Gudiga fulinta iyo gudi hoosaadka  Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa maanta kulan muhiima isugu yimid kulankan  ayaa ka dhacay magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape gaar ahaan xaafada Uitenhage.

Kulankan ayaa  looga hadlayay qorshe-yaasha Jaaliyada  oo larabo in horay loo dhaqaajiyo  maal mahan inagu soo aadan waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha  gudiga Fulinta iyo gudi hoosaadyada  Jaaliyada Ogadeniya ee  South Africa waxaana  lagu furay wacdi Diini ah iyo Aayada Qur’an ah waxaana  goobta  ka akhriyay Sheekha Jaaliyada ee Arimaha Diinta.

Kulankan oo  qaatay Saacado ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa Mudane C/raxman Siciid  khudbadaas ka dib wuxuu gudoomiyuhu aad ugu  mahad celiyay Xubnihii ka soo  qayb galay Kulanka  C/raxmaan  ayaa Sheegay in  Arimaha Jaaliyadu u socdaan si wanaagsan isla markaana  loo baahan yahay in la sii xoojiyo waxqabadka Jaaliyada  iyo si dii ay bulshada Ogadeniya ee Ku nool wadanka  South Africa ay  wax muuqada  ugu  qaban lahaayeen  Shacabka  Ogadeniya ee ay xukuumada Itoobiya  gumaysato.

Dhanka kale waxaa Kulanka  Kahadlay  masuuliyiin badan oo ka mida hawl wadeenadii  Kulanka  ka  soo qayb galay  waxaana  si qododheer looga dooday dhamaan  qodobadii  Kulanka  lagaga hadlayay.

Ugu dambayntii  waxaa ka soo baxay kulanka qodobo muhiima oo ay Jaaliyadu ku dhaqaaqi doondo  qabashadooda.

Jaaliyada  Ogadeniya ee  Koonfur Africa ayaa wada Abaabul xoogan oo bulshada  ku nool wadanka loogu sheegayo in ay iska ilaaliyaan dadka u adeega gumaysiga Itoobiya ee ay soodirsadaan gacan yarayaasha Tigreegu. Waxayna Jaaliyadu u taagan tahay  midnimada umada degta dhamaan gayiga Ogadeniya ee ay Itoobiya gumaysato.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay