hay’ada Daryeelka Agoonta oo Deeg  gaadhsiisay agoonta iyo Danyarta soomaalida ogadeenya ee Dhadhaab.

hay’ada lagu magacaabo horn of Africa Orphan relief Organization ayaa deeq gaadhsiisay agoonta soomaalida ogadeenya ee ku dhaqan deegaanka dhadhaab.

hay’ada oo muddo dhowrsano ah ku mashquulsanayd daryeelka agoonta iyo danyarta soomaalida ogadeenya ee ku nool geeska Africa ayaa deeqdan oo ay ugu tala gashay ciidan inay kaga farxiso aqoonta iyo danyarta u qaybisay aqoon badan oo kasoo jeeda soomaalida ogadeenya. Gargaarkan oo ay aad ugu baahnaayeen qoysaska la gaadhsiiyay ayaa ka yimid laamaha ay hay’adu ku leedahay aduunka.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa ka codsaday  dhamaan dadka uu allaah wax siiyay gaar ahaan kuwa qurbaha kunool in ay wax kala qabtaan agoonta ree ogadeenya ee ku tabaalaysan geeska Africa

G/GUNDIID
ONA/ dhadhaab

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay