Waxaa Degmada St. Cloud lagu qabtay shir ay soo abaabushay jaaliyada Ogadeniya ee St. Cloud ee Gobolka Minnesota, shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaanba qeybaha bulshada jaaliyada Somalida Ogadeniya ee St Cloud waxaa kale oo goob joog ahaa xubno iyo maamulka Jaaliyada ee Gobolka Minnesota oo booqasho wafti heer sare ah ku yimid degmada St. Cloud.

Maamul Cusub oo loo doortay Jaaliyada St. Cloud.

Shirkan oo ka dhacay xarunta kulamada ee Libraryga weyn St. Cloud Library ayaa waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka ah kadibna waxaa loo istaagay Heesta Calanka Wadanka Ogadeniya. Waxaana durbadiiba la guda galay qorshayaashi shirka agendihiisi oo loo aqriyay kasoo qeyb galayaashi shirka. Hadalo qudbado guubaabo ah oo looga warbixinayo xaalada shacabka Somalida Ogadeniya iyo Sanad guuradii Aasaaska JWXO kadib waxaa lasoo bandhigay agendihii ugu weynaa ee shirka oo ahaa Doorasho. Waxaa laga warbixiyay nidaamka Doorashada u dhacayso iyo qaabka loo codbixin doono.

Gudiga Farsamada kadib waxaa si buuxda loo doorrtay maamul Cusub oo uu hoggaamin Doono Gudomiye Cabdullaahi Shire oo ku guuleystay innuu noqdo Gudomiyaha cusub ee Jaaliyada St. Clouds. Xubnaha kale ee iyana ku guuleystay maamulka Jaaliyada Degmada St Clouds waxay kala yihiin

Hogaanka arimaha bulshada   Halgame Abdi fataax Cali
Hogaanka dhaqaalaha                Halganto Sahra
Hogaanka warfaafinta                Halgame Maxamud Maxamad
Hogaanka arimaha diinta          Halgame Xasan Abdi  iyo
Hogaanka dabagalka Iyo anshaxdhowrka Halgame Dayib Dheere.

Shirkan waxaa marti sharaf ah oo kasoo qeyb galay iyana Wafti heer sare ahoo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobalka Mennosota isaga Iyo masuuliyiinta gobolkaas oo badan waxay Halkaas kasoo jeediyeen hadalo aad uqiimabadan.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday guul Iyo gobanimo farxad Iyo raynrayn badan.

FARXAN MAXAMED ONA /ST CLOUD

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay