Wararka naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo farabadan oo ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu wiiqay waxayna ukala dhaceen sidan.
25/7/13 Abaaqorow oo dagmada Iimaybari katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
25/7/13 Marmadaya oo Iimaybari udhaw waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa laga dhaawacay.
28/7/13 Dayr oo dagmada Awaare udhaw waxaa ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
30/7/13 Bukudhaba oo Awaare katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.
30/7/13 Qudhac-raamaale oo Awaare katirsan iyo Karaawan oo Bulaale udhaw dagaalo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
31/7/13 Balioomane oo Gunagada katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
2/8/13 Dhabiile oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka daalan ee wayaanaha loogu  gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
6/8/13 Ceelxaar oo dagmada Birqod katirsan iyo Farmadow oo dagmada Shaygoosh katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidanka gumaysiga loogu gatstay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
8/8/13 Taaloole oo dagmada Dhagaxmadow katirsan waxaa ciidamada gumaysiga loogugaystay khasaare naf iyo maalba leh.
9/8/13 Huuraale oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha loogu gaystay khasaare aan wali faahfaahintiisa lahaynin.
10/8/13 Garawo oo Dhagaxbuur udhaw iyo Qoofalka oo Dhuxun katirsan dagaalo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.
10/8/13 Gariya Qubi oo Galaalshe kawada tirsan  dagaalo kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 6 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/8/13 Bardalay oo Dhuxun katirsan waxaa ciidamada wayaanah lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.
13/8/13 Qarsooni oo Shilaabo katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay kugubeen 1 baabuur oo nooca ay ciidamadu qaataan ah isla taariikhtaas dagaal kadhacay Cidhiidhiga oo dagmada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxay katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
14/8/13 Weeraale oo Galadiid oo Qoraxay ah katirsan dagaal kadhacay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
15  iyo 16 AugustFaraqgashaanti iyo Alaalalay oo dhagaxbuur katirsan iyo Xaafale oo Shilaabo udhaw dagaalo kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta la ogyahay 4 askari 7 kalana waa laga dhaawacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay