Wararka  naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaa xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah ooy Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) birta kaga asleen ciidamada wayaanaha ee doolka iyo dulmiga kujooga ciida ogadenia. Dagaaladii  oogu danbeeyayna waxay u dhaceen sidan soosocota.
12/8/13: Jiirhawiye oo dagmada Galaalshe udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay oogu yaraan 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 12/8/13: Dayr oo Awaare katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa Wayaanaha waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay oogu yaraan 1 askari 1 kalana waa laga dhaawacay.
14/8/13: Daratoole oo Dannood katirsan kamiin ay N/hurayaasha CWXO  kaxidheen waxaa soogalay kolonyo baabuur ah waxayna halkaas kugubeen 1 baabuur oo kuwa gumaysiga ah ooy isaga iyo wixii saaraaba isla basbeeleen.
15/8/13 : Kuuscow oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan weerar ay kuqaadeen CWXO waxay kudileen 10 askari 12 kalana way kudhaawaceen.
Isla 15/8/13: Baligarabay oo Dannood katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oonan wali faah faahintiisa helin.
18/8/13 : Garoonka oo Dannood oo Gobolka Doollo katirsan waxaa ciidanka wayaanaha loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh oon faahfaahin tiisa wali lahaynin.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay