Wararka naga  soogaadhaya magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya dil foolxun oo tuulada Baraajisaale ay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ugu gaysteen 2 wiil oo ciyaal ah. Warka ayaa intaas kudaraya in ay wiilashu lajoogeen geel xili habeenima ah kuwaas oo sida lasheegay watay tooshash ay iftiin ahaan u isticmaalayeen. Wiilasha ayaa lasheegayaa in ay soo dardareen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo meel fadhiyay sida lasheegayna wiilasha ayaa ifiyay ( iftiimiyay ) tooshahkii ay wateen waxaana rasaas ooda kaga qaaday ciidankii gumaysiga ee goobta kusugna sida warku sheegayo waxay rasaastu haleeshay 2 wiil oo lagu kala magacaabi jiray
1 Xassan cabdi gaal’eri oo 10 jir ahaa
2 Axmad cabdi muuse oo 9 jir ahaa

Sidoo kale waxaa goobta kafirxaday 3 wiil oo da’adoodu ay 10 sano kayartahy waxaana lasheegay in iyaga oo dhama ah maalin dabe lahelay.

 11/8/13 Dagmada Dhuxun waxay ciidamada wayaanuhu kuxidh xidheen dadka  kala ah
1 macalin maxamad axmad soocane
2 shugri macalin maxamad
3 fardowsa maxamad macalin dayib
4 faadumosahra c/raxmaan
5 shamsa budul cali yare
12/8/13 Heedaan oo Dhagaxmadow katirsan waxay ciidanka cadawgu kuxidheen Sh Xassan kaamil sayid
30/7/13 Cobole oo Dhagaxbuur katirsan waxay ciidanka wayaanuhu dhac iyo jidhdil ugu gaysteen dadka kala ah
xassan yuusuf oo ay 300 oo neeef oo adhi ah kadhaceen sidoo kalana ay jidhdileen
c/rashiid axmad ileeye oo ay 250 neef oo adhi ah kadhaceen kadibna ay jidhdileen
khadar xassan ciid oo ay 250 neef oo adhi ah kadhaceen sixuna ay u jidhdileen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay