War dag dag ah oo saaka naga soo gaadhay Ceel Bakool oo ku taala duleedka magaalada Qabridahare ayaa lanoogu xaqiijiyay in Xalayto fiidkii  taariikhda 21/08/2013 ciidamada Woyanaha Ethiopia ay ku dileen laba shaqsi oo kamid ahaa shacabkii ku noola degaankaas iyaga oo halkaasna ka kaxaystay qof kale oo nolol iyo geeri lagu heyn ( Waxaa dib ONA loogu sheegay in muwaadinkan lageeyay xabsiga magaalada Qabri-Dahar).

Dhacdada Foosha xun ayaa waxaa lagu dilay Allaah ha naxariista haweenay iyo nin iyada oo wiil kalena ay halkaas ku qafaasheen. Magacyada labada marxuum ayaa lagu magacaabi jiray.

Xaakim Wali (Dhagoole)

Ina Cabdullaahi Axmed (Cagdheer) o ah iyadu gabadh.

Sidoo kale ninka la qafaashey ayaa magaciisa lanoogu sheegay

Cabdi Xaaji Muxumed.

Cabdi Xaaji Muxumd ayaa waxaa lagu soo waramaya in lageeyay Xabsiga magaalada Qabri Dahar.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay