Wararka ka’imanaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada gumaysiga Itoobiya loogu xoogsheegtay  dagaaladaasuna waxay ukala dhaceen sidan.
12/8/13 Jacjacle oo dagmada Dhuxun katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidamo uu gumaysigu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 10 askari 6  kalana waa laga dhaawacay.
14/8/13 Jacjacle oo Dhuxun katirsan waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 1 kalana waa lagadhaawacay.
15/8/13 Golbariis oo Galaalshe katirsan CWXO ayaa dagaal aad ukulul oo lagu halaagay ciidanka gumaysiga kuqaaday waxayna qudha kaga jareen 50 askari 45 kalana way kudhaawaceen.
16/8/13 Boholalay oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta la ogyahay 14 sidoo kalae dhaawaca dagaalkan ayaa lakala geeyay Dhagaxbuur Qabribayax iyo Jigjiga.
17/8/13 Dayr oo  Awaare katirsan iyo Balimaraale oo Ararso katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada cadawga loogu gaystay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
17/8/13 Boholalay oo Dhagaxbuur katirsan iyo Sanxodayle oo Qabridahare katirsan dagaallo kadhacay waxaa ciidamada cadwga lagaga dilay 5 askari 3 kalana waa lagadhaawacay.
18/8/13 Booraanka oo Iimaybari katirsan iyo kitaabalay oo Dhagbuur katirsan dagaalo kadhacay waxaa  ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.
18/8/13 Shafeecaale oo Caado udhaw kamiin ay CWXO kaxidheen waxay kugubeen 1 baabuur oo kuwa cadawga ah.
18/8/13 Balimaraale oo Ararso katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa laga dhaawacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay