Munaasabada 15-ka Ogosto ayaa si weyn looga xusay,Magaalo madax-da Dalka Yemen ee Sanca iyada oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta Jaaliyada Ogaadeeniya ee Yemen (JOY) 

 Munaasabad si  heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagayay 15-ka Ogosto 29-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ururka gobanimo doon-ka ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadenia (JWXO) ayaa ka dhac-day galab-nimadii Jibcaha Xaafada Saafiya ee Magaalada Sanca.

Xafladan oo lagu qabtay Guriga weyn ee Umada Reer-Ogaadeenia ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa (JOY),Madax-da ugu saraysa gudiga Qaxootiga Ogaadeniya,madax-da hooyooyin-ka,madaxa OYSU faraciisa Dalka Yemen,aqoon yahan, Dhalin yaro,Culumo awdiin,haween iyo wax garadkii ka soo jeeday Ogaadeenia.

Dadka ka soo qayb galay oo boqolaal kor u dhaafay ayaa waxaa in badan oo ka mid ahi ku labis-naayeen Calanka til-maanta u ah madax-banaanida ama gooni isu taaga Ogaadenia.Waxa lagu furay wac-di diini ah ka dibna heesta calanka ayaa la qaaday iyada oo dadka meesha soo buux-daafiyay ay shacuur-wadaniyeed ka muuqato ayaa waxa yeedhay jugta iyo dir-yaanka dhaantada cagta iyo midhaha la is la helayo ee koox-da fanka ee Horseed Qaran.

Khud bado ku aadan han-balyada dabaal-dega 15-ka Ogosto,Taariikh-halgameedka Ogaadeenia iyo sida maanta Ogaadenia ay ugu dhaw-dahay in ay hanato madax-banaanideeda  ayaa madax-da (JOY) iyo masuuliyiintii kale ee ka qeyb galay ay ka jeediyeen munaasabada.

 15-ka Ogosto ayaa ah maalin ku weyn dhamaan ba umada Soomaalida Ogaadenia iyada ooy tahay markii la aas-aasay Jabhadda u dagaalanta masiirka iyo madax banaanida Ogaadenia ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadenia (JWXO)

Heeso Halgameed iyo Dhaantooyin si quruxbadan loo qaadayo

Dhaantadii oo Lajabinayo

Heesti Calanka Ogadeniya oo loo taaganyahay

Looma kala hadhin.


Sanca, Yemen

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay