Waxaa Magaalada Nairobi manta lagu dhigay xuskii sanad guurada JWXO kaasoo ay kasoo qayb galeen boqolaaldadwaynaha  kunool caasimada waddanka  Kenya ee Nairobi waxaa shirka goob joog ka ahaa madax kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo Mas,uuliyiinta dagmada Kamakunji eey xaafada Islii katirsan tahay.

Dadwaynihii shirka kaqayeb galay ayaa siwayn udhagaystay  taariikhda Ogaadeeniya iyo halganka Gobanimo doonka aha ee Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya kujirto mudada 29 sano ah iyo guulaha dhanka siyaasada iyo dagaalka cadawga lagulajirey mudada dheer laga gaadhay.

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeeniya  ee Kenya oo qoraal dheer shirka ka akhriyey ayaa dadwayanaha xusuusiyey In dilka, dhaca, Kufsiga , uusxabaalka iyo ula dhaqamida sida bani aadminimada kabaxsan  iyo dhamaan dhaawacyada soo gaadhay shacabka Ogaadeeniya naftooda xoolahooda iyo deegaankoodaba  ay muujinayaan quusta uu cadawgu kaqabo in shacabka Ogaadeeniya ay gacanta guumaysiga kusii jiraan.

 

 

Waxaa intii uu shirku socoda khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Gudoomiyaha JWXO Adm.Maxamed Cumar Cismaan oo dhamaan shacabka Ogaadeeniya oogu hanbalyeeyay maalinta aas aaska JWXO wuxuuna gudoomiyuhu ku amaanay Qurba joogta Ogaadeeniya inay ka guulaysteen kuwii dibada loo soodirey ee loosoo dhiibay fariimaha khaladka aha iyo filimada been abuurka aha wuxuu kula dardaarmay inay ilaaliyaan midnimadooda iyo ururimada.

 

 

”Waa Waxa kaliya ee aan guusha kugaadhney midnimadu waa inaad ogaataan in Nidaamka ururnimadu uuyahay midka kaliya ee waxaan rabno aan kugaadhayno” sidaas waxaa Yidhi Gudoomiyaha Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya oo la hadalyey boqolaal dadwaynaha Ogaadeeniya aha oo ku suganaan Xaflada Nairobi lagu qabtay.

 

 

Xaflada oo heeso waddani aha iyo dhaantooyii lagu soo bandhigay ayey dadwaynahihii ka soo qayeb galay aad oogu farxeen . Dhalinyarada Jwxo ayaa caan ku,aha meel walba ooy joogaan soo noolaynta hidaha iyo dhaqanka Ogaadeeniya  inkastooy soo baxday in Daboqoodhiga iyo Hawaarinta Cabdi ilay inay si kale u isticmaalaan.

 

 

 

 

 

 

ONA/Nairobi

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay