Waxaa maanta lagu qabtay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen shir heer sare ah  ooy sooqaban qaabisay Jaaliyada Somalida Ogadenia ee kudhaqan wadanka Denmark.

Shirkan ooy kasoo qaybgaleen Hawl-Wadeenka & Maamulka Jaaliyada ayaa ujeedadiisu ahayd kala warqaadasho & qiimay ku,aadan hawlaha ay jaaliyadu sooqabatay bilihii & todobaadyadii oogu dambeeyay. Waxaa madasha shirka lagu soo bandhigay warbixino aad uxiiso badan ooy Masuulinta Jaaliyadu kasoo diyariyeen socdaalo dhawr ah ooy kutageen Bariga Africa, Wadanka Sweden & Wadanka UK. Warbixinadan ay masuuliinta & Hawl-Wadeenka Jaaliyada soo bandhigeen ayaa dhamaantood ahaa kuwo aad uxiiso badan ooy kasoo diyariyeen siminaaro & caalami ah ooy kaqayb qaateen iyo booqashadii ay kutageen xubno jaaliyada kamid ah xeryaha qaxootiga Somalida Ogadenia ay kujiraan ee wadanka Kenya.
Dhanka kale waxaa shirka siqoto dheer leh loogu gorfeeyay ajendeyaasha & hawlaha ladoonayo inay jaaliyadu hirgaliso mustaqbalka soosocda haduu eebuhu yiraahdo.

Jaaliyada Denmark ayaa kamid ah Jaaliyadaha Somalida Ogadenia ee aduunka dacaladiisa kahawl galla kuwa oogu tayada iyo abaabulka wanaagsan wanaagsan taasoo astaan kudayasho mudan uleh dhamaan shacabka Somalida Ogadenia oo halgan dheer oogu jira ladagaalanka iyo xornimada Ogadenia.

 

 

 

 

 

 

 

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay