Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa oo u dabbaal dagtay sanad guuradii 29aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya.

Waxaa  Xalay lagu  qabtay magaalada Cape Town ee Xarunta gobolka Western Cape  munaasabad  lagu maamuusayay    Sanad guurada aasaaskii  Jabhadda  wadaniga Xoreynta Ogadeniya  JWXO Munaasabadan  oo siweyn loo soo  agaasimay ayaa lagu qabtay  xaafada Bellville ee ay Somalidu ku badan tahay

 

Xafladan oo loogu dabaal dagayay  Sanad guuradii 29aad ee ka soo wareegtay  aasaaskii JWXO  ayaa waxaa  ka sooqayb galay  qaar ka mida bulshada Somalida Ogadeniya ee ku  nool magaalada Cape Town walaalaha Jamuuriyada Soomaaliya ee Soomaaliyeed  iyo Marti sharaf kale Xafladan waxaa  soo qaban qaabiyay maamulka  Jaaliyada Ogadeniya ee magaaladaas.

 

Munaasabadan ayaa  lagu furay  wacdi diini ah iyo  aayado  Qur’an ah  waxan goobta ka akhriyay Sheikh u dhashay   Dalka Soomaliya  oo  kamid ahaa  Marti sharaftii ka soo qayb gashay Xaflada Sheekha ayaa ka hadlay Jihaadka wuxuuna  goobta  ka sheegay Jihaadka ay CWXO ku la jiraan gumaysiga Itoobiya inuu yahay  Jihaad waajib ku ah  qofkasta oomuslim ah.

 

kadib waxaa munaasabada Hadal dheer ka soo Jeediyay  gudoomiyaha  Maamulka Jaaliyada ee gobolka Western Cape  Mudane C/raxmaan (food) Food ayaa  ka hadlay Colaadaha  iyo dagaalada u dhexeeya  Jwxo iyo Gumaysiga Itoobiya  iyo tan ka taagan guud ahaan  Geeska Africa .waxaa  kale  oo munaasabada  ka hadlay masuuliyiin fara badan oo ka mida maamulka  Jaaliyada Ogadeniya  ee magaalada  Cape Town iyo marti sharaf kale.waxayna  dhamaantood  sheegeen in ay taageersan yihiin qadiyada Ogadeniya  iyo dagaalka  ay Jabhadda ONLF ku xoraynayso  dhamaan dhulka Ogadeniya ee ay Itoobiya gumaysato.

 

Waxaa shirka goob joog ka ahaa  Abwaan Cabdinaasir Haybe  oo ka mida Abwaanada Somalida Ogadeniya kuwa ugu Cadcad wuxuuna  meeja  ka Tiriyay Gabayo murtiyaysan , Majaajile, iyo JagacYar oo Riwaayad ah oo uu ugu ugu magic daray Rayi.Abwaanka ayaa Caan ku ah  Curinta Riwaayadaha iyo Suugaanta Caan ka ah Abwaanka ayaa  ku nool  wadanka  Koonfur Africa

 

Xafladan loogu dabaal dagayay  Sanad guurada 29aad ee Jabhadda ONLF ayaa waxaa lagu soo bandhigay   muuqaalo  taariikh ah  Ciyaaro  suugaanta  Hidaha iyo dhaqanka  Ogadeniya  iyo  Macluumaad  badan. Dareenka dadweynihii isugu yimid  xuska munaasabada aasaaska  JWXO ayay wajiyadooda ka muuqatay Farxad iyo  dareen wadaniyadeed  .waxayna  kusoo dhamaatay si hab sami ah

 

Xayi Yare

 

ONA

 

Cape Town

 

SouthAfrica

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay