Waxaa maalintii isniinta ee ay taariikhdu ahayd 26 August mudaharaad balaadhan ka sameeyey xarunta shirkada shidaalka ee loo yaqaano Africa oil corp oo ku taala magaalada vancouver ee dalka canada jaaliyadaha soomaalida ogaadeeniya ee dalka canada iyo jaaliyada seattle.

Hadaba wadanka canada oo ah wadanka labaad ee aduunka ugu weyn isuna jira baaxad aad u kala fog ayaa jaaliyadaha ugu dhaw waxay u jiraan xarunta shirkada shidaal  1200 00km, magaalada vancouver oo ah magaalo aanay ku badnayn soomaalida degan sabab too ah waa magaalo dalxiis isla markaana ay dagan yihiin dad taajiriin ah nolosheeduna waa qaali.

 Jaaliyada edmonton oo ah jaaliyada ugu tunka weyn jaaliyadaha canada oo uu horkacayo gudoomiyaha Jaaliyada ismaaciil c/laahi iyo isuduwaha jaaliyadaha Canada yuusuf ismaaciil ayaa subaxnimadii axada  waxay ka soo amba baxeen magaalada edmonton iyagoo ku waabariistay magaalada vancouver  halkaana ay isugu yimaadeen wafti balaadhan oo iyaguna ka soo gudbay xuduuda dalka maraykanka.  Waftigaas USA oo uu soo amba bixiyey gudoomiyaha jaaliyada naftii hure c/laahi daahir waxaana hogaaminaayey waftigaa gudoomiyaha ururka OYSU ee jaaliyada seatle mudane xiis c/risaaq tiibaa.

Sidoo waxaa magaalada vancouver ku sii sugnaa isku duba ridihii in uu qabsoomo mudaharaadkani ka dambeeyey mudane maxamed heebaan iyo qoyskiisa oo qayb weyn ka qaatay.

Hadaba mudaharaadkani wuxuu ka dhacay banaanka dhismaha ay dagan tahay shirkada shidaalka ee Africa oil corp oo ku yaala badhtamaha magaalda vancouver 885 west Georgia st dhismaha HSBC,

Mudaharaadkani wuxuu xambaarsanaa fariin adag oo ay u gudbinayeen shirkada shidaalka taas oo muujinaysay  inshacbi  weynaha ogaadeeniya joogaan meel kasta oo aduunka ka mid ah,una  ogalaanaynin in khayraad ogaadeeniya si dhib yar lagu daldashado laguna xasuuqo shacbiga dulman.

Waxay halkaa ku qaybiyeen waraaqo  ka hadlayey taariikhda ogaadeeniya iyo in uu dhulkani yahay dhul ku jira gumaysi, shirkada africa Oil Corp na ay qayb ka tahay xasuuqa ka socda Ogadeniya.

Warqadaha lagu eedeynayo African Oil ayaa soo jiitay dadkii kanadiyaanka ahaa ee meeshaas  marayey,mudaharaadkaasina wuxuu gilgilay  badhtamihii magaalada vancouver.

 hada ka hor  18 Feburuary 2013  jabhada wadaniga xoreynta ogaadeeniya waxay soo saartay war saxaafadeed ay ugu digayso shirkada Africa oil corp war saxaafadeedkaas oo loogu sheegay African Oil Corp in ogaadeeniya ahayn meel nabadgelyo ah oo lagu soo degdego wixii ku yimaadana ay masuuliyadeeda African Oil u taalo.

Isku soo wada duuboo mudaharaadkaasi wuxuu ku soo dhamaaday guul  jaaliyad walibana si nabadgelyo ah bay ku gaadheen hoygoodii.

 

ONA

Edmonton

canada

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay