Xuskii 29 aad ee  ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Jabahada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya ee JWXO oo lagu qabtay Sweden. Munaasabadan oo sanad kasta shacabka Somalida Ogadenia oogu dabaal dago daafaha dunida ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka wayn ee Tensta Träff ee magalada Stockholm ee  xarunta  dalka Sweden. Xafladan ooy soo qaban qaabisay Jaaliyada Soomalida Ogadeniya dalkan Sweden  iyo Ururka Dhalinyarada OYSU Sweden  ayaa waxaa kasoo  qayb galay unugyada kala gadisan eey ka koobantahay Jaaliyada Sweden iyo waliba  qaar kamid ahaa shacabwayna Soomaliyeed  inta xoriyada jecel.
Xafaladan waxaa lagu furya sidii cadada ahaydba Aayadaha quranka karimka ah kadibna waxaa loo sarakacay heesta Calanka Ogadenia , intaas kadib waxaa la gudagalay ajandihii munasabadan oo lagu bilaabay taariikhda  halgankan barakaysan eey JWXO hogaminayso waxana ku dheraaday xildhibaan Riyaale Xaamud  oo kusoo gabagabeyay in halgankan lagu bilaabay dad yar oo kooban mantana ayna qoraxdu ka dhicin  calanka Ogadenia dunida dacaladiisa taasina ay tahay hormar wayn uu sameeyay oo lagu faani karo , waxaa sidoo kale taarikhda oo koban soo jeediyay mudane Cabadinasir Gadhwayne asagoo sifiican uqadaadhigay ururada bulshada Somalida Ogadenia iyo qaabkay usamaysmeen asasakii JWXO kadib.
waxaa isna sidoo kale madasha guubabo kooban ka soo jediyay muwaadin kasoo jeeda magalada Gaarisa ee woqoyi bari Kenya isla markaana u kicitimay wadankii Ogadenia  soona arkay xaalka Ogadeniya iyo arxan darada  ciidmada Gumaysigu kuhayaan shacabka dulman  wuxuuna muwadinku sheegay in wayihii hore uu ahaa tageero caadi ah lakin maanta laga bilaabo uu noqon doono hormuudka Jaaliyada Ogadenia ee Sweden wuxuuna amaan u soo jediyay Jabhada Wadaniga Xoryanta Ogadenia iyo hogankeeda sare  oo uu sheegay inay ayago soo gaadhsiiyen dhibka ka jira Ogadenia oo hadayna jirin JWXO ayna cidna ogaateen dulmiga  ay ciidamada caga jiidka ah ee Itoobiya ku hayaan shacbka somalida Ogadenia.
Intaa kadib waxaa soo xidhmay khudbadihii iyo wacyi galintii waxaana la guda galay dhinicii fanka ooy madasha jogeen fananin fara badan oo uu ka mid ahaa fanaanka wayn ee Cabdi Badil, Jeele Cade iyo waliba koxada cusub ee JWXO STARS oo ah koox cusub oo jaliyada somalida Ogadenia asaastay, koxdan JWXO STARS ayaa waxay madasha ka dhigtay xalay wacdaro  ayagoo soo bandhigay 3 heesood oo cusub iyo waliba 2 Dhaanto ah oo cusub ooy intaba ayagu samaysteen , bulshadi xafalada kasoo qaybgashay ayaa uriyaaqday koxdani cusub ee dhismeheea  ay ku guulaysatay Jaaliayada Somalida Ogadenia ee Sweden. Isku soo wada xooriyoo xafaladan ayaa waxay soo gabagaboowaday  aroornamidii saaka ayagoo dadku wada faraxsanyihiin islamarkaana ay isku salamayeen sanad guuro wanaagsan, waxayna ku soo dhamatay jawi quruxbadan.
 Moha
ONA SWEDEN
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay