Ururka midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya  OYSU ee wadanka  South Africa gaar ahaan Faraciisa magaalada Cape Town ee  Xarunta Gobolka western Cape ayaa Xalay ka qayb  galay dood Cilmiyeed ay  qabatay hay’ada layidhaahdo Centre for Conflict Resolution CCR.

Dood Cilmiyeedkan ayaa  lagaga  hadlayay  Awooda dhisida Nabadgaliyada iyo Siyaasada Africa (Peace building. Power and Politicis in Africa )

 

Doodan waxaa  goob joog ka ahaa Mr Augustine Mahiga  oo horay u ahan jiray madaxa qaramada midoobay u qaabilsan  Dalka  Somaliya , iyo masuuliyiin kale  oo  ka tirsan UN-ta

Shirkan ayaa  ka dhacay Hallka weyn ee  ka soo horjeeda Jaamacada magaalada Cape Town waxaana  ka soo qayb galay Aqoonyahano iyo Ardayda Jaamacada University of Cape Town

 

Dood Cilmiyeedkan waxaa  lagu  furay ama  lagu soo bandhigay  Muuqaalo ka turjumaya dhibaa tooyinka  la soo darsa  wadamada Africa  iyo Colaadaha  aan Xalka  loo helin wali  ee  ka taagan guud ahaan qaarada  Africa

 

Ururka OYSU Ayaa  Qayb Weyn Ka Qaatay doodaas   Waxaana  Dadweynihii  Soo Jiiday  Waydiintii OYSU goobta  soo dhigtay  oo ahayd   Soomaliya ama Geeska Africa Xal nabadeed  ma loo heli karaa  Qadiyada Ogadeniya oo aan Xal waara laga gaadhin ?  su aashaas ayaa  dood kulul dhalisay

 

Ururka OYSU waxaa uga qayb galay dood cilmiyeedkaas Xoghayaha Ururka ee magaalada CapeTown ,Mr Abshir Faatule, Mudane C/Jamaal Cabdulaahi oo ah Masuul Ka tirsan Gudiga Fulinta guud ee OYSU iyo Xubna Kale

Ururka  Midawga Dhalinyarada  iyo Ardayda Ogadeniya  ee wadanka  south Afrika ayaa  xidhiidh  wanaagsan lale  hay’adaha  dawliga ah iyo kuwa maxaliga ahba  isla markaana  lagu marti qaadaa  goobahay  la isugu yimaado

 

Xayi Yare

ONA

Cape Town

South Africa

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay