Magaalada East London ee gobolka eastern cape ayaa jaaliyada ogaadeeniya faraceeda Ilays uu kuqabtay kulan ay isgu yimaadeen odayaasha iyo wax garadka kasoo jeeda ogaadeeniya

gudoomyaha ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee uu halganka ogaadeeniya gaar ahaa kala fadhigii 6aad ee Golaha Dhexe oo kusoo dhamaday si guul ah

Dr maxamed ismaaciil ayaa sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyay ciidanka xoraynta ogaadeeniya uu galay dagaalo badan waxaana cadawga lagag dilay ciidan aad u tira badan

sidoo kale waxaa lawaydiiyay su-aalo dhawra ah

1- maxaa kajira in ONLF  qaadanayso tastuurka Ethiopia isla markaana ay awood qabsi rabto?

Jawaab DR: sida aad la socdotaan wadahadalkani wuxuu dhacay sanadkii lasoo dhaafay wuuna bur buray wuxuuna ku burburay in ay ONLF qaadato tastuurka  xiligaas Ethiopia way ka awood badnayd sida ay maanta tahay

marka ONLF tastuurka mana qaadanayso mana qaadan doonto wax ka jirana majiraan wax yar iyo wax wayn toona

2- maxaa kajira dagaalada kadhacaya ogaadeeniya waxay u dhexeeyaan jabhada iyo ciidamada liyuu police ka kali ah ?

Jawaab DR: waa been ciidamada Ethiopia ayaa laladagaalamaa.tankale marka hore liyuu police maxay yihiin ? haday yihiin dad diinta, dadka iyo dalka difaacayaa oo dulmi iyo cadaw kadifaacayaan dagaalka lagula jiro wuxuu u baahan yahay in aan iswaydiino laakiin hadii ay ladagaalamayaan dad muslimiin ah waa layska difaaci waxayna kasokeeyaan cadwgii laladagaalamayay wax danbi ahna ma ahan in la laayo xukumkooduna waa ruuxii muslim ah ee gaalo u kaalmeeya xugumkiisa

Sidoo kalle waxaa  lafalanqeeyay sidii loo taaageri lahaa halganka waxaana shirka kasoo baxay go,aamo la isku raacsan yahay in la garab istaago halganka xaqa ah oo maanta maraya marxalad aad u saraysa

shirkan oo saacado socday ayaa si guul ah kusoo dhamaaday

Sixid: Waxaan dib u saxnay, in Gudoomiye Maxamed Ismaaciil uusan kasoo dagin South Afrika, shirkan waxa uu ahaa kaliya mid khadka teleefanka ah..

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay