Wararka naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaallo dhowr ah oo CWXO kuqaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya khasaare badana kugaadhsiiyeen dagaaladaasuna waxay udhaceen sidan;
17/8/13 Shiilaha inacareef oo dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 5 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
18/8/13 Maygaago oo Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay katirsan weerar aad looqorsheeyay oo ay CWXO kuqaadeen ciidanka wayaanaha oo dhibaatanta dadka shacabka ah ujoogay waxaana halkaas lagaga dilay in kabadan 70 askari oo uu kujiro midkii watay oo magiciisa lagu sheegay Axmad wajikulul iyo kii kahooseeyay oo lagu sheegay cabdi dheere. Waxaa ciidanka cadawga laga furtay hub iyo saanad aad ubadan.
19/8/13 Kitaabalay oo dhagaxbuur katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.
20/8/13 Daadlibaax oo Sagag katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
24/8/13 Dayr oo Awaare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa ONA helin wali.
26/8/13 Yaxoob oo Sagag katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.
ONA
Reports reaching us from the country of Ogadenia, specifically from the central headquarters of the ONLF, say that the ONLA launched several attacks on the Ethiopian colonial forces and inflicted heavy losses on them. The battles took place as follows:
17/8/13 In a battle at Shiilaha Inacareef, part of Sagag district in Nogob region, 5 soldiers of the colonial army were killed and 2 others were wounded.
18/8/13 At Maygaago, part of Shaygoosh district in Qoraxay region, the ONLA launched a well-planned attack on Woyane troops who were there to oppress the civilian population. More than 70 soldiers were killed there, including their commander, named as Axmad Wajikulul, and his deputy, named as Cabdi Dheere. A very large quantity of weapons and ammunition was seized from the enemy forces.
19/8/13 At Kitaabalay, part of Dhagaxbuur, 1 soldier of the enemy forces was killed and a number of others were wounded.
20/8/13 At Daadlibaax, part of Sagag, 4 Woyane soldiers were killed and 3 others were wounded.
24/8/13 In a battle at Dayr, part of Awaare, losses were inflicted on the enemy forces, the details of which ONA has not yet received.
26/8/13 At Yaxoob, part of Sagag, Woyane forces suffered losses of both life and property.
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

