Warsaxaafadeed ay JWXO ka soo saartey ayay ku cambaareysay fal dambiyeedka ay dawladda Itobiya ka gashay laba saxafiyiin ah oo u dhashay dalka Sweden oo iyagoo ku sii socda Ogadenya ay 1dii bishan ay dhexda ka qabteen. Sida ay shaaciyeen shabakadaha gumaysiga u adeega labadaa saxafi oy magacyadooda soo qoreen ayay ciidamada Itobiya nolol ku qabteen iyagoo ku andacooday inay ciidamada laayeen dadkii waday ee la socday.

Sida ay warar hoose oo ilo-wareedyo ku sigan Puntland ay soo gaadhsiiyeen JWXO, maamulka Puntland ayaa wargaliyay cadawga Itobiya oo jaajuusay socdaalka labada saxafi oo kala ah Mr Johan Persson and Mr Martin Schibbye oo labadaba u shaqeeya Wakaaladda lagu magacaabo; ‘Kontinent photojournalist agency’. Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya wixii hadda ka dambeeya waxay hadda waxay dusha ka saareysaa nolosha saxafiyiintaa iyo badbaadintooda xukuumadda Itobiya ee dhiigyacabka ah.
Waxay jabhadda ONLF si aad ah u cambaareynaysaa xadhigga labadaa saxafi ee doonayay inay waajibaadkooda saxafinimo ka soo fushadaan gudaha Ogadenya. Falka noocan ah wuxuu muujinayaa in aanay Itobiya ixtraamaynin xuquuqda saxaafadda iyo inay diidan tahay in in warbixin madax-banaan laga helo Ogadenya si ay u qariso dambiyada dagaal ay ku hayso shacabka Ogadenya. Waxay kaloo JWXO cambaareynaysaa maamulka Faroole ee Punland oo xadhiga saxafiyiintaa qayb ka qaatay una fududeeyay cadawga Itobiya inay u gudbiyaan macluumaad saxafiyiintaa taasoo muujinaysa inuu maamulka Puntland ku taageersan yahay Itobiya dhibaata kasta oo lagu hayo shacabka Somaliyeed ee Ogadenya iyo in laga go’doomiyo Ogadenya caalamka dibadda.

Jabhadda ONLF waxay mujtamaca caalamiga ugu baaqaysaa in xukuumadda Itobiya iyo maamulka Puntland lagala xisaabtamo falkan yaq-yaqsiga leh laguna adkeeyo inay si dhaqsa leh u soo daayaan labadaa saxafi.


Jabhadda Wadaniga xoreynta Ogadenya.

 
 

1 Comment

  1. guulwalde says:

    waa iskuday fiican waxaa ilaquman maalmahan warbahintu waxay kahadlaytsaa ababree haloosheego aduunka in shacabka ogadenia ay colaad iyo cunaqabatayn uidheertahay

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay