Hawlwadeena jaaliyada S.ogadenia ee dalka Yemen ayaa kulan hawleed la qaatay masuul sare oo katirsan Jabahada wadaniga Xoraynta Ogadenia J.W.X.O oo socdaal gaaban ugu yimid.

Mudane Xassan sheekeeye oo hawl-wadenada jaaliyadda kula kulmay shirkan ayaa uga faa’idaystay inay ku kala warqaataan oy isku dhaafsadaan xogwaran ku saabsanaa hawlaha halganka iyo kal-fadhigii G/dhedhe  ee jabhada oo sida guusha ah ku soo gabagaboobay isagoo uga xogwaramay go’aamadii ka soo baxay kal-fadhiga.

Mudanuhu wuxuu si faahfaahsan uga warbixiyay arimihii shirka lagu falanqeeyay iyo xaaladaha ku aadan qadiyada Ogadenia. Waxaa kalooy ay waydiiyeen xubnuhu mas’uulka Su’aalo farabadan oo ku saabsan xaalada halganka iyo wadahadaladii u dhexeeyay jabhadda iyo gumaysiga Itobiya oo dhamaan uu uga jawaabay si waafiya oo ay xubnihii ku qanceen kana jaahil bexeen wixii kaga jiray mugdiga.

Ugu danabaytii shirki wuxuu ku soo xidhmay jawi farxadle iyo jaaliyada oo u rajaysay madaxda sare inuu Ilaahay waafajiyo guusha.

SANA’A/Guure.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay