Waxaa  xalay magaalada  Johannesburg ee wadanka Koonfur  Africa  lagugubay Sedex wiil oo u dhashay wadanka  Ogadeniya  kadib markii dab iyo  Sunta dadka disha  looga soo  galiyay  daaqada  Guriga xili ay jiifeen  seqda dhexe  habeenimo

Musiibadan  Xanuunka badan ee  wiilasha ku dhacday   ayaa timid xili ay Gurigooda  sinabadgalyo ah u seexdeen .waxaana  ku adkaatay inay albaabada guriga  ka baxaan maxaa yeelay meel banana oo ay  ka daataan ayay waayeen  guriga oo aad u adkaa awgii taasina waxay sababtay inay Naftu sidaas  kaba  baxdo sedex doodiiba . Sidaas waxaa u sheegay wakaalada  wararka  Ogadeniya  ONA dad qaraabo ah oo ku sugnaa goobta ay wiilashu  ku geeri-yoodeen.  Magac yada wiilasha nolosha lagu gubay Illaahay ha u Naxariistee

  1. C/wali  Cabdullaahi
  2. Cabdi   Shaafi Cabdi
  3. Bashiir Aadan Ugaas Cabdi

 

Cabdiwali Cabdulaahi ayaa naloo sheegay inuu  ifka kaga tagay Gabadh yar uu dhalay iyo Hooyaded  halka  labada wiil ee kale  ahaa yeen dhalin yarro aan wali guursan

 

Policeka magaalada Johanesburg ayaa wada baadhintaan  xoogan oo ay ku  baadi goobayaan  Cidii ka dambeysay  Falkan argagaxale ee loo gaystay wiilashan aan waxba galab sanin. ma jiro Cid loo qabtay  musiibadan  naxdinta leh

Wadanka  Koonfur Africa ayaa dadka Somaaliyeed  loogu dilaa siyaabo kala duwan mana jiraan dad  wax iska waydiiyay  Dilal kaas loo gaysto dhalinyarada Soomaaliyeed  ee ku soo qaxday  wadanka koonfur Africa

Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka  KoonfurAfrica , Ururka  OYSU. Iyo Bahda ONA  oo isku duuban waxay Tacsi   tiiraanyo leh u diraysaa  dhamaan bulshoweynta  Ogadeniya gaar ahaan  Eheladii Qaraabadii ,asxaabtii ay ka baxeen wiilashaasi waxaana  leenahay  Illaahay  Samir iyo  Iamaan taaama Ha inaga siiyo Badal kheyr  qabana ha inoogu badalo  Iyagana  Illaahay Albaabada  Janada ha u furro  Amiin Amiin

Xayi yare

ONA

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay