Gudomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa wareysi siiyay Ilays TV. Isaga oo wax laga waydiiyay su’aalo ku aadan Xaalada hada lagu jiro.

Gudomiyaha ayaa wareysigankaga waramay Xaalada Dhulka iyo shacabka Somalida Ogadeniya gaar ahaan waxa uu kawar bixiyay daggaaladii ugu danbeeyay ee Ciidanka JWXO la beegsadeen fadhiisimaha cadowga. Gudomiyaha ayaa sidoo kale wareysigan warbxin buuxda kasiiyay Ilays TV kalfadhigii 6aad ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya Golaheeda dhexe isugu yimid iyo muhiimada shirkaas lahaa.

Gudomiyaha JWXO oo ilays TV wariye Shugri weydiisay Gudomiyaha JWXO in ururka ONLF isu diyaarinayo wadahadalada la sheegayo in Jabhada ONLF iyo Ethiopia dhexmarayo ayaa Gudoomiyuhu wareysigan waxa uu ku cadeeyay arrimaha dhabta ah ee wadahadalaas ku aadan iyo waxa ka jira in wadahadalo Ethiopia iyo ONLF dhexmari doono iyo inkale.

Gudomiyaha ayaa aad ammaan ugu soo jeediyay Jaaliyadaha Ogadeniya iyo shacabka Ogadeniya sida diiran ee ay ugu dabbaal daggeen Sanad guuradii aasaaskii JWXO ee 29 sano kasoo wareegtay. Hadaba ka daawo Barnaamijka Ilays TV su aalo ku aadan

Jabhada ONLF waxay soo halgamaysay 30 sanno ku dhow maxaa xal ah oo hada u heysaan shacabka Ogadeniya?

Hadii Ethiopia aayo ka tashi heer Gobol (Autonomy State) u oggolaato Shacabka Ogadeniya Jabhada ONLF ma ka tanaasulayaan goosashada?

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Dhexe ee JWXO waxaa lagu magacabay oo lagu buuxiyay xubno cusub oo kusoo biiray Golaha dhexe, Waqtigan sababta loo doortay xubnahaas maxay tahay?

Iyo su’aalo kale oo waqtiga ku aadan iyo siyaasada JWXO.

Gudomiyaha JWXO ayaa wareysigan shacabka Ogadeniya ku dhiiri galiyay gude iyo dibadba in gacmaha la isqabsado oo kula dardaarmay halkudhaga ururka JWXO ee Midnimo Wadatashi iyo guul. Gudomiye Maxamed Cumar Cismaan waxa uu sheegay in shacbiga Ogadeniya cidkale waxba aysan ka sugin oo ay kalsoonidooda ku howlgalaan.

Gudomiyaha ayaa salaam iyo dardaaran adag siyaabo badan kula hadlay wareysigan shacabiga Ogadeniya.

Ilaystv ka daawo Barnaamijkan

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay