Wararka ka’imanaya gudaha wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo cadawga lagu jabiyay. Dagaaladaa oo qaarkood aan faahfaahin laga helin ilaa hadda khasaaraha cadawga, ayaa inta la hubsaday waxaa cadawga lagaga dilay 24 askari iyo dhaawaca ka badan intaa. Dagaaladaa oo dhacay todobaadkii la soo dhaafay ayaa u dhacey sidan;
28/8/13 Labo-toglaha oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kudhaxmarar CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari tiro kalana waa lagadhaawacay.

28/8/13 Xayaabalay oo Garloogube udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin..

Isla 28/8/13 Shiilaha-ina-careef oo Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.

29/8/13 Rula oo Sagag katirsan waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa laga dhaawacay.

30/8/13 Labiga-geel-nuujis oo Qamuuda udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 7 askari tiro kalana waa laga dhaawacay.

2/9/13 Horahaween oo Xamaro katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dhaawacay 2 askari.

3/9/13 Dhabarduleel oo Goday katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagadhaawacay sidoo kale waxaa halkaas lagaga furtay hub iyo saanad kale.

4/9/13 Xaraar oo duleedka Qabridahare kuyaala dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay