Ciidamada Itoobiya Iyo Maleshiyada Luyu-policeka Ayaa Dagaala Xoogan uu ku Dhax Maraa Jabhada ONLF Ee xoriyada Gobolka Ogaden U Dagaalanta, Waxaana Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Hawaarinta Ah soo Gaadha dhaawacayo Iyo Dhimasho Farabadan Oo Maalin Walba Dhaca. Hadaba Ciidamada Luyupoliceka Ayaa La Geen Jiray Dhakhatiirta MulaTariga Ee Harar Iyo Adis Abab, Diridhaba, waxana arintaasi loola jeeday In ayna Suuqa Galin Oon Loo Dhihin ina Hebel Oo dhaawac ah ayaa Yaala Dhakhtarka sidaa darteed ayaa loogu dabiibi jiray Magaalooyinkaa Galbeedka kore Ah.

Hadaba Bilihii Ugu Dabeyey ayaa laga Dareemay dhakhatiirta iyo xarumaha caafimaad Ee magalada jigjiga Mashquul Iyo Dhaawaca Ciidamada Luyu-policeka oo Buux Dhaafiyey Hospitaalka Qadiimiga ah ee Dawladii Talyaanigu Dhistay oo waagii Hore lagu daawayn Jiray dadka shacabka ah halkaasoo Qeybta OoGu badan hada lagu daaweeyo ciidamadan Luyuga, Taasina waxay Hakad Galisay,dhaqdhaqaaqa iyo Dawentii Shacabka.

Midkamid ah dhakhatiirta isbitalka ayaa yidhi waxaa laga yabaa in ayadoo socoto shaqadii isbitaalka la keeno baabuur buux dhaafay oo dhaawac ah kolkaas oo lagu qasbo in dhamaan bukaanka socon kara iyo dadka boqashadu bananka u baxaan, waxana dhakhatiirta lagu qasbaa in shaqadii kale ee ay hayeen ka soo jeedsadaana una jeedsadaan dabiibida cidankan.

Isbitalka ayaa markii 2labo loo qeybiyo meel waxa lagu dabiibaa kaliya ciidanka dhaawac ah taasi oo urta iyo cabaadka laga dareemo agagaarka isbitaalka Sida Xaqiijiyeen Bukaanka isbitaalka daawada ka qaata. Waxaa sidookale loo sameyey laba xarumood, mid Buurta Karamardha ah iyo xerada biyo xidhenka. Labadan gobood ayuuna oolin qalab ku filan sida uu noosheegay Sargaal Ka Tirsan xafiiska Abdi Ilay.

Mar aan waxka waydiinay sargaalkan ayuu ii sheegay in dhaawac laga qarinayo diblamasiyiinta reer galbeedka ah iyo madaxda Itoobiya qaarkood si loo qariyo dagaalada ka socoda gudaha Ogadeniya. Sargaalkaas ayaa sidoo kale noo Xaqiijiyey in dhaawaca halista ah uun lageeyo isbitaalada, ayaga oo qar ku dhintaanba halkaa.

Noora Afgaab / ONA Adis Abab

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay