Sidaad la socoteen waxaa xalay lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Riwaayadii lamagac baxday –‘Godlataye Xornimo Gaawaha u cuga’- oo ay ka soo qayeb galeen boqolaal dadwayne ah oo rag iyo dumarba lahaa oo calanka Ogaadeeniya ku labisnaa, iyadoo si wayn looga dareemay xaafada Soomaalidu dagantahay.

Riwaayada oo uu soo alifay abwaanka weyn ee Kaadheeri oy jilayeen kooxda caanka ee Danab ayaa xanbaarsaneyed dareenka dhabta aha ee ka jira Ogaadeeniya xiliga hada la joogo ayay aad ula wada dhaceen dadwaynihii boqolaalka ahaa ee daawanayey

Riwaayadan oo ka soo maaxataay maskaxda caafimaadka qabta ee Abwaan Maxamuud Kaadheeri’ ayay xalay reer Naribo aad uga wada heleen. Sidoo kale Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee dalka Kenya ayaa sanadihii oogu danbeeyey waxay kor u qaaday abaabulka dhalinyarada iyo kooxaha Suugaan halgamadeedka ka shaqeeya iyadoo ay jireen  riwaayado  ay horey u sameeyeen kooxaha fanka ee Jaaliyada Ogaadeeniya Nairobi ayaa hadana xiiso gaar ah ay u qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagan Nairobi in la sii wado bandhigyada rawaayad halgameedka.

Dad badan oo Soomaali iyo bulshooyinka kale ee kunool wadamada ay ka jiraan Jaaliyadaha Ogaadeeniya ayaa ku amaana bulshada Ogaadeeniya muujinta dareenka waddaninimo iyo ku barbaarinta dhalinyarada taariikhda halgankooda iyo waliba dhaqankii dadkooda suuban.


Halkan ka daawo Qayb yar:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay