Wararka naga soogaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada wayaanaha lagu wiiqay. Khasaaraha cadawga gaadhay dagaaladii socday shantan maalmood ee warbixinta ku xusan waxay gaadhayaan 32 la hubsaday bakhtigooda iyo dhaawac badan, iyadoo dagaalada badankood aan la helin tirakoobka khasaaraha cadawga. Dagaaladii ugu danbeeyayna waxa u dheceen sidan;

29/8/13 Heeladheere oo dagmada Garbo katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa laga dhaawacay.

29/8/13 Duudlibaax oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

30/8/13 Baliseedle oo dagmada Sagag katirsan waxaa ciidanka gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

1/9/13 Dixidheer oo Dhagaxbuur katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidamada wayaanaha oo halkaas howlgal ujoogay waxay halkaas kaga dileen 10 askari 15 kalana way kaga dhaawaceen.

1/9/13 Quman oo ararso katirsan iyo Cobole oo Dhagaxbuur dagaalo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

2/9/13 Dixdheer oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

2/9/13 Lafbuur oo Nusdariiq udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay in kabadan 10 askari tiro aan lacayimin oo kalana waa laga dhaawacay.

3/9/13 Xiisala oo tuulada Nusdariiq ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

3/9/13 Balimaraale oo Ararso katirsan waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa laga dhaawacay.

3/9/13 Bicilbuur oo Dhagaxbuur karitsan dagaal  kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa laga dhaawacay.

6/9/13 Majabaha oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay