Dhibka haysta ummada Kililka 5aad (Soomaalida Ogaden) wuu badan yahay, kumana koobna shacabka caadiga ah oo kaliya ee waxay saamayn xun ku haysaa maamulka degmooyinka, wax-garadka iyo aqoonyahanka, iyo shaqaalaha caadiga ah ee u dhashay gobolka. Warbixin ay hadda ka hor soo bandhegeen warbaahinta caalamka ee madaxa banana, ayaa waxay xaqiijisay dhibka iyo mashaakilka haysta wax-garadka iyo aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee dhanka shaqaalaynta hay’adaha samafalka (UN-ka iyo NGO-yada) iyo dowladda dhexe ee ka howl-gala deegaanka Soomaalida.

Warbixinta oo aad u dheer ayaa cadaysay in “aqoonyahanka u dhashay deegaanka Soomaalida ay haysato shaqaaqoyin iyo caqabado adag, iyo midabtakoor ba’an sidii ay shaqo ooga heli lahaayeen xafiisyada iyo laamaha dowladda dhexe iyo waliba hay’adaha samafalka (UN-ka iyo NGO-yada), iyo maamulka Jig-Jiga oo dhagaha ka furaystay wax ka qabadka arinka”.

Warbixintu waxay xaqiijinaysay siyaasadaha Wayaanaha Xabashida iyo danaha, iyo inaysan wax wanaag iyo horumar ah la rabin gobolka iyo dadka u dhashay gobolka Soomaalida ama Kililka 5aad (Ogaden). Warbixintu waxay ka hadashay arimma muhiim iyo xasaasi ah, waxaana ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

1-Abaaraha – 39% dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee dalka Itoobiya waxay ku nool yihiin Kililka 5aad (Soomaalida Ogaden). Gargaar muhiim ah lama geeyo gobolka.  Wixii yaraa ee la geeyayna waxaa qaybsada madaxda dowladda iyo Liyu Police. Hay’adaha samafalka (UN-ka iyo NGO-yada), safaaradaha iyo saxaafadda looma ogola inay tagaan gobolka.

2-Raashinka Gargaarka – dowladda Itoobiya waxay us isticmaashaa gargaarka si aad u fool xun (mushahaar madaxda iyo malayshiyooyinka dowladda). Raashinka waxaa keenya UN World Food Programme (WFP), waxaana qaybiya madaxda ciidamada iyo malayshiyooyinka Itoobiya, waxayna ku geeyaan meelaha ay maamulaan ciidamada iyo malayshiyooyinka Itoobiya. Cid arinka ka hadli kartana ma jirto. Shaqaalihii iyo hay’adihii ka hadlayna waa xidhay ama la caydhiyay. Sanadki 2010 & 2011 waxaa la xidhay laba nin oo u shaqaynayay UN WFP (Yuusuf Maxammed & Cabdiraxmaan Sheekh Xasan) iyo laba wariye oo Swedish ahaa. Nimankan waxaa lagu xidhay kadib markay xaqiiqooyin ka sheegeen dhibaatooyinka haysta dadka shacabka ah ee gobolka.

3-Shaqaaqada shaqaalaynta – Kooxda Wayaanaha ee Itobiya haysata waxay sheegaan in 75% hay’adaha samafalka dalka ay ka shaqeeyaan Soomaalida ama Kililka 5aad (Ogaden).  Su’aal ka taagan wax-qabadka hay’adan, qaarkoodna kuma laha xafiisyo gobolka oo waxay kasoo shaqa tagaan Addis Ababa oo shaqaalaha lagu shaqaaleeyay. Shaqaalaha waxaa laga keenaa ama ay u dhasheen Axmaarada and Tigrayga, waxaana shaqaaleeyay madaxda iyo sirdoonka xabashida. Aqoonyahanka u dhashay deegaanka Soomaalida ay haysato shaqaaqoyin iyo caqabado adag, iyo midabtakoor ba’an sidii ay shaqo ooga heli lahaayeen xafiisyada iyo laamaha dowladda dhexe iyo waliba hay’adaha samafalka (UN-ka iyo NGO-yada). Maamulka hay’ada iyo mashaariicda – madaxda hay’aduhu gaar ahaan khubarada, madaxda waaxaha iyo mashaariicda waa xabashi. Tusaale ahaan, shaqaalaha UN-ka iyo NGO-yada badankood waa xabashi, waxayna ka shaqeeyaan gobolka Kililka 5aad (Soomaalida Ogaden), mana aha kuwa aqoon leh, ama yaqaanna dhaqanka iyo luqadda ummada Kililka 5aad (Soomaalida Ogaden).

4-Shaqaaqada shaqaalaynta – Doolow-Cadow waxaa ka shaqeeya shaqaale ka badan 3,000 oo u shaqeeya 40 hay’adood (UN-ka iyo NGO-yada) oo ka shaqeeya samafalka iyo gargaarka shacabka degmadda ee tabaalaysan iyo qaxootiga Soomaaliya ka yimid. Shaqaalaha badankood waa xabashi iyo ajaanib, mana aha kuwa aqoon u leh shaqada ay ku mushahaar qaatan, ama yaqaanna dhaqanka iyo luqadda ummada Kililka 5aad (Soomaalida Ogaden).

5-Maamulka samafalka iyo hay’adaha – xafiisyada kala aha “Disaster Risk Management and Food Security Sector (DRMFSS) & Administration for Refugee and Returnee Affairs (ARRA) oo ah sirdoon” ayaa maamula arimaha abaaraha iyo qaxootiyada, waxaana ka shaqeeya shaqaala badan. Waa mamnuuc in shaqaalaha deegaanka laga shaqaalaysiiyo labadaa xafiis. Shaqaalaha ay u qaataan deegaanka ayaa ah kuwo meela hoose lagu shaqaaleeyo, mana laha xaq iyo xuquuq la yaqaanno.

6-Maamulka Kililka – maamulka Jig-Jiga wuu la socdaa shaqaaqo iyo midabtakoorka dhanka shaqaalaynta ee haysata wax-garadka iyo aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida. Maamulka Kililku dhagaha ayuu ka furaystay arinka mashaakilka haysta wax-garadka iyo aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee dhanka shaqaalaynta hay’adaha samafalka (UN-ka iyo NGO-yada) iyo dowladda dhexe ee ka howl-gala deegaanka Soomaalida.

Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay labada gobo lee Shiniile & Liibaan (– Doolow-Cadow) oo ah meelaha ay hay’aduhu ugu badan yihiin, wax-qabadkonua ugu xun yahay, ayada oo shaqaalihii deegaanka loo diiday inay fursad shaqo laga siiyo hay’adahaas faraha badan, meesha xabashi laga shaqaaleeyay, oo ay guryo iyo ganacsi ka samaysteen goboladoodi (Axamaarad & Tigrayga). Warbixinta ayaa ugu baaqday hay’adahaas inay ilaaliyaan anshaxa iyo qawaaniinta shaqaalaynta, ayna mudnaan siiyaan aqoon yahanka gobolka.

Warbixintaa oo faahfaahsan oo ku qornayd afka Ingriisiga ka akhri halkan  http://www.ogadennet.com/?p=24374

By : Aysheshum Yakume

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay