Warbixin aan ka helnay Xarunta Dgexe ee JWXO, ayay ku soo faafaahiyeen, dagaaladii dhacay intii u dhexeysay, 1/6/13 – 30/8/13 iyo hawlgalada ay qaadeen qaybaha CWXO mudadaa. Warbixintan ayaad kaga bogan doontaa khasaaraha laxaadka leh ee cadawga soo gaadhay eek u kalifaya inuu dacaayad aan jirin ku maaweeliyo shacabka Itobiya. tirakoobka hawlgalada Qaybaha waa sidan:

1-Qaybta Gor-gor waxay gashay 56/dagaal. Waxay ka dileen cadowga 271, Dhawucuna waa 220.

2-Qaybta Duufaan waxay gashay 60/dagaal Waxay ka dileen cadowga 117. Dhawucuna waa 111. Baabuurta la gubay waa 2/baabuur.

3-Qaybta Hanqadh waxay gashay 92/dagaal. Waxay ka dileen cadowga 429, Dhawucuna waa 354. Baabuurta la gubay waa 5/baabuur.

4- Qaybta Danab waxay gashay:52/ dagaal. Waxay ka dileen cadowga 220, Dhawucuna waa 164. Baabuurta la gubay waa 2/baabuur.

5- Qaybta Heegan waxay gashay 40 dagaal. Waxay ka dileen cadowga 191, Dhawucuna waa 220. Baabuurta la gubay waa 4/baabuur.

6- Qaybta Birjeex waxay gashay 32/dagaal. Waxay ka dileen cadowga 52, Dhawucuna waa 74.

Isu-gaynta khasaaraha cadawga soo gaadhay waa sida; Bakhtiga = 1280 askari oo darajooyin kala duwan leh. Dhaawacana waa 1143. Waxaan ku jirin khasaaraha aan soo gaadhay ee dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan la hubsan.

Dagaaladaa dhacay mudadaa oo faahfaahsan dib uga baadho warbixinadii dagaalada ee xarunra ay soo gudbisay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay