Dad badan oo daawaday waxay soo dhaweeyeen shirkii ugu dambeeyay ee Itobiya ay ku qabatay Hotel Sheraton/Adisabab oy ka soo qaybgaleen wasiiro ka socda dawladda Itobiya iyo qaar ka mid ah safaaradaha ajnabiga iyo odayaal laga soo ururiyay magaalooyinka Ogadenya, shirkaa oy ku tilmaameen inay caddayn dhab ah u tahay in Itobiya aanay sheegan karin dalka Ogadenya, ilaa afti laga qaado shacabka S.Ogadenya uu caalamka ogsoon yahay.

Aqoonyahan cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadaha ayaa yidhi; “Maadaama Itobiya ay caalamka u soo bandhigtay odayaal ay isugu keentay Hotel ku yaala Adisababa say ugu dhawaaqaan fariinta ay rabto ee ah waxaan nahay Itobiyaan, waxaa laga doonayaa inay yeelato geesinimadii ay ku ogolaan lahayd afti sharci ah in laga qaado shacabka maadaama ay hubto sidaa, si loo maqlo codkooda. Waana wadada kali ah ee lagu soo afjari karo dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Ogadenya.”

Qarnigii 18aad ee dhul boobka uu ka socday Afrika (The African scramble) ayay dawladihii Gumaysiga Yurub intay u yimaadaan odayaasha qabiilka oo xoogaa dhar iyo kuulo la’isku qurxiyo siiyaan ka sixiixi jireen inay dalkooda ka taliyaan. Saxiixaa odayaasha ayay dawladaasi kula doodi jirtay dawladaha kale inay iyada ugu hormatay dalkaa oo sidaa calankeeda ay uga taagi jirtay dalkaa. Itobiya weli fikirkii noocaa ahaa ayaa ku qafilan, waxayna u haysataa in caalamka uu ka ogolaanayo sidii waagaa saxiixa odayaasha ay kolba meel ku shirinayso.

Ogadenya waxaa soo maray isticmaarkii Yurub qaar ka mid ah, gaar ahaan Ingriiska iyo Talyaaniga oo midwalba ka saxiixday odayaal ay meel isugu keeneen inay raaciyad u noqdeen. Ugu dambayntiina Boqorkii Minilk oo dhex boodayay gumaystayaashii Yurub ayuu Ingriiska siiyey qayb ka mid ah Ogadenya sanadku markuu ahaa 1948kii. Akhri (OT – Ogadenya Waligeed ..)

Laba siyaabood ayaa lagu dhaqan wareejin jiray shacab gooni u taagnaa oo lahaa hab maamul-nololeed u gaar ah oo sidaa kaga mid noqon jiray qaran kale oo ka gooni ahaa;

1- Inay doortaan laba shacab inay ku midoobaan hal Dawald/Qaran oo sidaa isugu milmaan 2dii shacab ee dariska ahaa.

2- In shacab lagu soo duulo oo la qabsado oo sidaa lagu ogolaysiiyo, iyadoo muddo ka dib uu shacabkaasi iloobo taariikhdii iyo mararka qaarkood luqadoodiisii.

Xaaladda Ogadenya horey uga jirtay hadana ka jirta labadaa midna ma’ahayn. Sababtoo ah waxaa asal u ah dhaqangalka labadaaba inuu shacabkaasi ogolaado kuna milmo dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba dalkaa kale. Tan iyo markay soo galeen ciidamo Itobiyaan ah dhulka Ogadenya ilaa maantadan aan joogno, shacabka Somaliyeed ee Ogadenya marna ma ogolaanin ka mid noqoshada Itobiya umana hogaansamin sharciga Itobiya ee ku dhisnaa ilaa maantana ku dhisan kala sareynta shucuubta iyo dulaynta qofka Somaliga ah, shaqsi ahaan iyo diin ahaanba. Dagaalkii waagaa bilowday ayaana weli ka socda oo kolba heer taagnaa.

Itobiya waxay ku cadeysay shirka ay ku qabtay Hotel Sheraton/Adisababa in hadda ka hor aanu shacabka Ogadenya ogolaanin ka mid noqoshada Itobiya, laakiinse intuu yimid xukunka EPRDF ay ogolaadeen. Caqliga fayow wuxuu ina tusayaa, haday Itobiya ku kalsoontahay in diidmadii hore ee shacabka Somalida Ogadenya ay dhamaatay oo isbadal uu ka jiro Ogadenya inay ogolaato in shacabka afti laga qaado, oo sidaa lagu soo afjaro dagaalada ka socda gobolka.

Dhibaatada Itobiya haysata een la jaanqaadi karin casriga aynu mareyno waa iyadoon lahayn dhaqan aan ahayn dagaal in lagu kala adkaado oo aan aqoonin wada kale inay jirto oo khilaafaadka lagu dhamayn karo oo cadaalad iyo wada noolaasho u horseedi kara dhamaan shucuubta ku nool gobolka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay