Wararka ka imanaya wadanka Ogadenia ee Xarunta dhexe ee JWXO naga soo gaadhay wuxuu sheegayaa in dagaallo badan ay socdaan oo ciidamada cadawga lagu wiiqayo, dagaalada aan helnay warbixintooda oo socday 8 maalmood ayaa khasaare laxaadleh lagu soo gaadhsiiyay cadawga oo isugu jira 105 dhimasho ah iyo dhaawac badan. Sidoo kale gawaadhi la gubay oon la hubin ciidankii saarnaa iyo dagaalada oo aan qaarkood la faahfaahinin khasaaraha soo gaadhay cadawga. Dagaaladaa ayaa  u dhecey sidan.

2/9/13 Cadaadlay oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidamada nacabka lagaga dilay 7 askari 8 kalana waa laga dhaawacay.

7/9/13 Ceel-xaar iyo Balanbale oo Gobolka Jarar kawada tirsan dagaalo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay inta lahubo 2 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

8/9/13 Cadaadle oo Wardheer udhaw waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa laga dhaawacay.

8/9/13 Bali-sareedo oo Gunagado katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

9/9/13 Tuurdhuug oo dagmada Dhagaxmadow katirsan waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faah faahintiisa lahaynin.

10/9/13 Dixdheer oo Gobolka Jarar katirsan dagaal kulul oo ciidanka gumaysiga lagu qiiqay oo halkaas kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 80 sidoo kalana waxaa lagaga furtay inkabadan 50 qori iyo qalab ciidan oo kale.

10/9/13 Mooyaha-duuri oo Dhagaxmadow udhaw kamiin ay CWXO xidheen waxaa soogalay kolonyo baabuur ah oo ay ciidamada gumaysigu wateen waxayna halkaas kugubeen 2 baabuur oo kuwa ciidamada ah.

10/9/13 Kortogdheere oo Gunagado katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

11/9/13 Qudhaclay oo Gunagado katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 5 askari tiro kalana waa laga dhaawacay.

11/9/13 Hoola oo Qabribayax katirsan iyo Fardhiig oo Qabridahare katirsan dagaallo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faah faahintiisa lahaynin.

12/9/13 Dhoota oo Dudumacadka udhaw iyo Tuulowacdi oo Wardheer katirsan dagaallo kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa laga dhaawacay.

13/9/13 Hargaysa oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagadhaawacay.

4/9/13 Galaalshe waxaa iidanka gumaysiga kasoo koostay 2 askari oo hubaysan oo isusoodhiibay CWXO.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay