Wararka naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO warbixin ka xogwarmaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu naafeeyay. Dagaalada aan helnay warbixintooda oo qaar ka mid ah aan la helin faafaahinta khasaaraha soo gaadhay cadawga ayaa u dhacey sidan.

25/8/13 Kabaalka oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kudhexmaray N/hurayaasha JWXO iyo ciidamada saamalaluudka ah ee gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 5 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/8/13 Inakarood oo Dhuxun katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa laga dhaawacay.

29/8/13 Cadaadlay oo Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

9/9/13 Garbo-liibaan oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa laga dhaawacay.

10/9/13 Guray oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.

13/9/13 Qudhacmaydal oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/9/13 Bali-xaare oo dagmada Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada nacabka lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.

15/9/13 Garaslay oo Dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Faarax says:

    Waan guuleeysandoona gaaladuna way caraabidoonaan guushuna waa xageena in sha’allah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay