War-saxaafadeedka JWXO

21 September 2013

Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa si cad u cambaareysay (Halkan ka akhri) weeararka bahalnimada ah ee dad shacab ah oon waxba galabsan loogu gaystay dalka Kenya. Arintaa ayay JWXO ku tilmaantay inay muujinayso diinxumada, aragtigaabnida iyo dareen la’aanta dambiilayaasha falkaa gaystay.

Waxay JWXO tacsi u dirtay dhamaan dadkii dhibaatada ay ka soo gaadhay weerarkaa, waxayna JWXO taageero u fidisay dadweynaha iyo xukuumadda Kenya marxaladdan ay marayaan.

Ugu dambayn waxay JWXO ugu baaqday dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee Geeska Afrika inay go’aan midaysan ka qaataan kooxdan dhaqanka ka dhigtay inay ku weeraraan meel kasta dadka rayadka ah een hubaysnayn, waxayna Jabhadda ugu baaqday dadweynaha Somaliyeed inay dhamaantood iska fogeeyaan kooxdan dambiilayaasha ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay