Maanta oo ay tariikhdu tahay 09-21-2013 ayaa waxaa  shir si heer sare ah loo soo agaasimay isugu yimid xubnaha ururka oysu  Minnesota.

Shirkan oo ahaa shirkii billaha ahaa ee ururka oysu  ayaa waxaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado qur’aanka kariimaka oo uu soo  jeediyay sheikh mohamedsalah muhumed oo qur’aanka kadib muxaadaro ka soo  jeediyay madasha.

Shirkan oo ay marti ku ahaayeen maamulka jaaliyada  gobolka Minnesota, masuuliyiinta jabhada ee gollaha dhexe iyo xidhiidhiyaha guud ee galbeedka dhexe ee maraykanka. Ayaa ugu horaynba waxaa warbixin qodo dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha gobolka
oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intay xilka hayeen, waxyaabaha
ay hada hiigsanayaan ee ay doonayaan in ay qabtaan mustaqbalka gudoomiyaha ayaa
sidoo kale ka hadlay qorshe sanadeedkii ururka sidii loo hirgalin lahaa loogana
soo dhalaalilahaa qorshayaasha astaysan ee ururka horyaala . waxaa kaloo
mudanuhu soo bandhigay aqoon iswaydaarsi barnaamij ah oo magiciisu ahaa( Kadis)
kasoo su’aalo kadis ah oo aqoonta guud ee halganka ogadenia ku saabsan xubnaha
lagu waydiinayay, barnaamijkaasoo ahaa mid xiiso badan isla markaana aqoonta
xubnaha ee taariikhda halganka kor laagu qaadayay.

 

Waxaana markaa kadib cod baahiyaha lagu soo  dhaweeyay mudane ahmed majeerteen oo ah wakiilka jwxo ee maraykanka oo ka  warbixiyay kalfadhigii 6aad ee gollaha dhexe waxyaabihii kasoo baxay waxaa  kaloo masuulku tibaaxay xaalda maanta ee halganku marayo gudo iyo dibadba.  Waxaa kaloo ururk dhalinyarada masuulku si hufan ugu sharaxay doorka ay halganka  ku leeyihiin iyo sida ay door muuqda oo cudud xoog ah uga noqonlahaayeen  halganka loogu jiro xoraynta dhulka somalida ogadenia.

Waxaa sii socday barnaamijyadii ururka oysu mn. Isla markaana waxaa siminaarkii 2aad oo ku saabsan xeerka midawga dhalinyarada iyo  ardayda ogadenia soo jeediyay hogaanka abaabulka iyo arimaha ururka oysu mn  mudane khaddar mohamed(rooble).

Waxaa isna khudbad cajiib ah oo dhiiri galin ah soo  jeediyay mudane abdinaasir carab oo ah hogaanka xidhiidhka ajinabiga  isla markaana soo bandhigay  filimaan muuqaal ah oo khudbadiisa qayb ka  ahaa.

Shirkan oo ahaa shir ay masuuliyiin badan isugu  yimaadeen jawi wanaagsana ku socday ayaa Iyana waxaa hadalo kasoo jeediyay  masuuliyiinta jaaliyada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha guud ee gobolka mudane  abdinassir gaani iyo mudane farxaan ahmed oo ah hogaanka abaabulka iyo arimaha  bulshada ee jaaliyada waxayna masuuliyiinati dhamaan dhiiri galiyeen maamulka  dhalinyarada la iskuna raacay in baahi wayn loo qabo in la sii laban laabo  hawlaha ururka lana joogteeyo qorshayaasha abaabulka kor loogu qaadayo.

Waxaa isna tariikhda ciidanka iyo marxaladihii ay  soo mareen iyo doorkii ay dhaliyaradu ku-lahaayeen  ka sheekeeyay  mudane ahmed rafle oo runtii dhalintu aad ugu
marxaboodeen sheekada taariikhda ciidankeena ee dahabiga ah. Waxuuna soo jeedin
doona barnaamijyo taxana ah oo ciidanka kusaabsan shirarka danbe .

Waxaa xusid mudan in intaa shirka ay dhax socotay  kaalihimihii suugaanta oo ayna meesha ka madhnayn, waxaa la qaaday  gabayo,jiiftooyin ,dhaanto iyo heeso wadani ah oo uu hormuud ka ahaa abwaanka  way nee sheikh mohamed sheikh abdi aar.

Shirka oo ururka oysu fariciisa Minneapolis soo  agaasimeen ayaa waxaa si wayn uga soo qayb galay faraca st,cloud mn oo uu  horkacayo hogaanka abaabulka iyo arimaha ururka mudane abdifatax ali haashi iyo  dhaliyaro badan oo wehelisay.

Shirkan ayaa ugu danbaytii wuxuu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

 

ONA,

Minnesota

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay