Marka laga hadlayo heshiis ku sheegyadii dacaayadda loola jeeday ee Itobiya lagula taliyay inay labuurto, midka sida dhabta ah u fashilyay qorshaha Itobiya wuxuu ahaa heshiiska ay sheegeen inay kala saxiixdeen garab ka mid ah ONLF oy ku sheegeen inuu yahay garabka ugu weyn. Waxay Itobiya ka soo tabiyeen wakaaladaha wararka sidan; According to Reuters, the faction represents 80 percent of fighters under the ONLF umbrella ” oo ah inuu matalo garabka heshiiska lagalay Itobiya 80% dagaalyahanka ku dagaalamaya magaca ONLF.

Waxaan qoraalkii hore (Fiiri) aan kaga hadlaynay wadahadalada Itobiya ay shaacisay iyo ujeedadii ay ka lahayd ee lagula taliyay, waxaanan ku soo gabagabaynay su’aasha ay tahay in aan yarehe ifinno inta aanan xidhdin qodobkan oo ahaa; Goormaa loo baahday Mufsidudiin Macow (Salaaxudiin) iyo garabka ONLF ee Itobiya ay sheegtay inuu madaxda ka yahay?

Furaha jawaabta su’aashan waxay tahay in aan horta fahamno ujeedada ay Itobiya ka lahayd heshiisyadan. Waxaan horey u soo xusnay inay ahayd laba ujeedo. 1- midka hore oo ahaa dabin dhig loola jeeday inuu soo galo dabinka wax ka weyn kuwan. 2- shirkadaha shidaalka oo loo rabay in loo sheego in jabahadihii dagaalka waday ay xabadii joojiyeen soona xaroodeen.

Labadaa ujeedaba ma dhamaystiri karin saxiixii Ibraahim dheere iyo odayaashii la xarooday. Sababtoo ah, caalamka wuxuu ogsoonaa in jabhadda ONLF ay tahay midda is-hortaagtay in shirkadaha shidaalka ay dhex socdaan dalkooda oy shidaal iyo gaas ka baadhaan ama ka soo saaraan. Sidoo kale, caalamka wuxuu ogsoonaa in awoodda ciidan ee Itixaad/UWSLF iyo taageerada shacab ee gudaha iyo dibadda ay ku lahaayeen uu ahaa mid kooban oon dhaafsiisnayn xubnihii Itixaadka soo ahaan jiray. Sidaa daraadeed Itobiya way ka gadi kari weyday inay ku sheegto heshiiska ay la gashay Ibraahim dheere oo kali ah inuu nabad ay shirkadaha shidaalka dib ugu soo noqdaan ka dhalin karo Ogadenya. Waxay noqotay lagama maarmaan in la abuuro sheekada ah ONLF-na waa laga saxiixday heshiiskii. Sidaa ayuu ku soo galay Musfsidudiin ciyaarta waxayna Itobiya u abaabushay riwaayad u dhiganta midii Ibraahim dheere. Xaflad balaadhan oo loogu yeedhay saxaafadda Adisababa ku leh xafiisyada, rag diblomaasiyiin ah iyo wasiiro ka socda dawladda ayaa xafladda saxiixa looga dhigay dikoor, isla sidii oo kale ayaa la faray kooxda Cabdi iley inay u soo dhaweeyaan buun-buuniyaana.

Marka laga yimaado ujeedadii ay Itobiya ka lahayd oon ku soo ururinay 2da qodob een kor ku soo sheegnay, waxaa ciyaarta si dhab ah u kharibay Mufsidudiin oo aan fahmin waxii laga doonayay oo xafladii looga dhigay iyo soo dhaweyntii iyo wararkii saxaafadda ay Itobiya galisay ee ahaa inuu matalo 80% ciidanka ONLF run u qaatay, sidaa darteedna isula-weynaaday, wuxuuna dalbaday abaalmarin ah inuu noqdo ninka 1aad ee Jigjiga u fadhiya gumaysiga Itobiya. Dalabkaa oo si toos ah uga horyimid maslaxadda Cabdi iley iyo kooxda saraakiisha Tigreega ah ee gobolka dhiigmiirta. Waxay isku dayeen inay u caqli caliyaan Mufsidudiin oy u sheegaan inuusan dalbanin wax ka weyn wixii la siiyay Ibraahim dheere oo ahaa dhul iyo lacag. Hasa ahaatee Mufsidudiin maadaama uu aaminay wixii caalamka loo sheegay wuu iskala weynaaday intaa. Isagoo isleh waxaad ka weyday kuwan waxaad ka heli KT. Meles ayuu aaday Adisababa. Hadal iyo dhamaan, Mufsiduddin wuxuu ku dambeeyay in isagii riwaayad loo dhigay oo odayaashii reerkiisa inta loo shiriyay la yidhi ka saara reerka oo dhaha nagama tirsana ninkan, talaabada ku xigtana waxay ahaan lahayd in la dhigo JO ama la khaarijiyo hadaanu si dagdag ah uga soo cararin.

Filimkii Mufsidudiin halkaa ayuu ku dhamaaday. Waxaase sii socday filimkii Ibraahim dheere oo ciyaarta siday u dhacaysayna fahmay, isla marahaantaa abaalmarinta isaga iyo kooxdiisana ay dalbadeena ahayd un inay beero helaan, tijaarada dalkana gacanta ku dhigaan, guryana ka dhistaan Jigjiga iyo Godey, ilaa heerna waa loo fuliyay inkastoo hadda ay wax badan iska badaleen oo mulkiile-yaashii looga qaaday dhul beereedka iyo boosaska ay ku daba jiraan.

Isku soo wada duub. Riwaayadii Itobiya waxay ku soo afjantay guuldarro, sababtoo ah ujeedooyinkii laga lahaa midkoodna kama hirgalin, kharash aan la koobi karina way ku bixisay Itobiya si caalamka iyo jaaliyadaha looga gado oo loogu jahawareeriyo.

Su’aasha ugu dambaysa ay tahay in aan isweydiino; muxuu shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ka fa’iiday riwaayadihii loo alifay? Sidoo kale caalamka muxuu kala dhex baxay riwaayadaa? La soco.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay