Magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Eastern Cape Dalka Koonfur Africa waxaa  shir muhiima ku qabtay Jaaliyada Ogadeniya ee Dalkaas. shirkan oo ahaa shir ay xubnaha  Jaaliyada ku nool aagaasi si weyn uga  soo qayb galeen ayaa ka dhacay Hall-ka weyn ee ku yaala xaafada la yidhaahdo Uitenhage

Shirka ayaa lagaga  hadlayay Arimaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Dalka Koonfur Africa iyo doorka ay  ku leedahay qadiyada Ogadeniya waxaana khudbad dheer  oo dhinacyo badan taabanaysay  ka jeediyay  gudoomiyaha Jaaliyadda C/raxman Siciid wuxuuna gudoomiyuhu sheegay inay qorshayaasha  Jaaliyadu u socdaan sidii la doonayay/rabay balse  loo baahan yahay  in la sii xoojiyo dadaalka ay Jaaliyaddu ugu jirto qadiyada Ogadeniya.

Dhanka kale waxaa  shirka ka hadlay dad farabadan oo isugu jirray masuuliyiin, Aqoonyahano, Culumo-awdiin, Odayaal iyo waxgaradka Ogadeniya ee ku nool magaalada Port Elizabeth Dalka  Koonfur Africa waxayna dhamaantood  eedeeyeen gumaysiga Itoobiya ee xasuuqyada ba’an ka gaysta dhamaan dhulka Ogadeniya iyo dadka gumaysi u kalkaala.

Xubnihii Shirka ka soo qaybgalay ayaa wajiyadooda  laga dareemayay qiiro wadniyadeed iyo dreen halgan oo  ay kaga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya ee haysata Dalka Ogadeniya.

Dhanka kale magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka Koofur Africa ayaa  lagu qabtay Shir Si heer sire ah loo soo agaasimay waxaana  ka soo qaybgalay dhamaan xubnaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Ku sugan magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria waxaana lagu gorfaynayay Arimaha Jaaliyadda iyo doorka ay ku leedahay qadiyada Ogadeniya.

Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa si weyn ugu diyaar garoobaysa Shirweynaha Jaaliyaadka Ogadeniya oo bisha October 2013 lagu qaban doono magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka Koonfur Africa.waxaana ku soo qulqulaya ergooyinka shirka oo isaga imaanaya dunida dacaladeeda gaar ahaan JOKA oo nasiib u heshay inay qabato shirka Jaaliyaadka Aduunka ee Ogadeniya.

Xayi Yare

ONA

Port Elizabeth

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay