Wararka naga soogadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo badan oo ciidamada gumaysiga lagu naafeeyay. Dagaaladaa  oo mela kala duwan oo dalka ku baahsan ka dhacay ayaa cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo hantiba leh. Askarta dagaaladaa kaga bakhtiyay cadawga inta hubsaday waxay gaadhayaan 77 askari oo darajo kala duwan lahaa, iyo dhaawac laxaad leh. Sidaan la socono warbixinta Xarunta Dhexe waxay ku qiimaysaa khasaaraha soo gaadhay cadawga een la’is dul taagin in aan faahfaahin laga helin. Goorta iyo Goobaha ay dagaalada ka dhaceen oo tafatiran waa sidan;

3/9/13 Geellaaye oo Garigo’an katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobaya waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.

5/9/13 Hadha oo Shaygoosh katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 4 kalana waa lagadhaawacay.

5/9/13 Beer-ow-khaliif oo Garbo udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidamada Wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

9/9/13 Madaxmaroodi oo Qabridahare katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari tiro kalana waa laga dhaawacay.

10/9/13 Malayko oo garbo katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagadhaawacay.

11/9/13 Tuurdhiig oo Dhagaxmadow katirsan iyo Dhoofa oo Danood udhaw dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay  11 askari 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/9/13 Goomaar oo Shaygoosh katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/9/13 Xaraaray iyo Xidigaale oo oo Dhuxun kawada tirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada nacabka ah ee Itoobiya lagaga dilay 11 askari 6 kalana waa lagadhaawacay.

14/9/13 Bali-shariif oo Xamaro katirsan dagaal ka dhacay culus oo ay CWXO kuqaadeen ciidamada daalan ee gumaysiga waxay halkaas kaga dileen inkabadan 12 askari 9 kalana way kaga dhaawaceen.

15/9/13 Haargalool oo dudumacadka udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 20 askari tiro kale oo badana way kagadhaawaceen.

16/9/13 Bari’oodan oo Sagag udhaw iyo Baligarabay oo Danood katirsan dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada wayaana kasoo gaadhay inta lahubo 2 dhaawac ah.

17/9/13 Dhoofa oo Fiiq katirsan iyo Yogol oo Shaygoodh udhaw dagaalo kakala dhacay waxaa ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 6 askari 7 kalana waa lagadhaawacay.

Isla 17/9/13 Gangan oo Garigo’an katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay kugubeen 1 baabuur oo kuwa ciidamada ah.

19/9/13 Gumraha oo Qamuuda udhaw dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare laxaad leh.

21/9/13 Garabxariir oo Shilaabo katirsan weerar ay CWXO kuqaadeen ciidamada cadawga oo dad shacab ah halkaas kudhibaataynayay waxayna kadileen inta lahuno 4 askari 6 kalana way kadhaawaceen.

22/9/13 Gol’amaan oo Baabili katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga loogugaystay khasaare naf iyo maalba leh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay