Waxaa shir isugu timid jaaliyada S.Ogadenya ee Riyaad Sacuudiga Carabta, shirka oo ahaa mid iyo si qiimi badan loo soo abaabulay. Shirka ay jaaliyadda isugu timid ayaa wuxuu ku saabsanaa sidii loo dardargelin lahaa hawlaha halganka ee ka socda aagooda iyo sidii loo fashilin lahaa khiyaamooyinka gumaysigu uu ku damco inuu ka fuliyo jaaliyadda Riyaad dhexdeeda iyo guud ahaan dalka Sacuudiga iyadoo waqtigii xajka la gali doono.

Shirka waxa lagu furay sidii dhaqanka u ahayd JWXO ayaada quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo xubnaha shirka fadhiya lagu baraarujiyay Alla ka cabsi iyo in loo midoobo halganka. Intaa ka dib ayaa shirka lagu soo dhaeeyay oy ka hadleen masuuliyiinta jaaliyada iyo xubnaha taageerayaasha ee ka soo qaybgalay shirka.

Dhamaan waxa laysla qaatay in taageerada halganka la xoojiyo loona huro maal iyo maskax iyo wakhtiba.

Shirku wuxu taageeray canbaarayntii JWXO ee ku saabsanaa falkii xumaa ee ka dhacay dalka Kenya ee ka baxsanaa bina aadanimada, sidoo kale shirku wuxuu u tacsiyeeyay dhamaanba dadkii rayadka ahaa ee loo gaystay waxyeelada. Waxa kaloo shirku taageeray baaqa JWXO ee Soomaalida loogu baaqay in kooxda falalka noocan ah gaysanaysa dhan laga ahaado.

Shirku waxu u hanbalyeeyay geesiyaasha CWXO iyo hawlgalada waaweyn eey cadawga ku wiiqeen iyo guulaha ay ka soo hooyeen goobaha dagaalka. Shirku wuxu uduceeyay dhamaanba halganka shacabka S.Ogadenia iyo masuuliinta hagaya.

Guul iyo Gobanimo.

Xassan JWXO/Riyadh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay