Waxaa maalintii ay taariikhdu aheyd 29 September 2013  isugu yimid shirkoodii biillaha ahaa jaaliyadda Victoria – JOVIC-. Shirka ayaa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka ah oo uu soo jeediyay Sheekh Axmedrashiid Allah ka abaal mariyee, ka dibna wacdiga diini ah.

Waxaa shirka si rasmi ah u daadihinayay Gudoomiyaha JOVIC Mudane Hikim sheekh, oo warbixin ku saabsan waxqabadkii jaaliyadda ka jeediyay shirka.

Waxyabaha ugu muhiimka badan ee shirkan lagu falanqeeyay waxa kamid abaabulka Iyo wacyigalinta bulsho weynta halganka shacabka S.Ogadenya taageerta iyo xaaladda uu ku sugan yahay wadanka Ogadenia iyo sidoo kale gaadhsiinta qadiyadda Ogadenya dawlada wadankan Australia. Waxa kale oo ayadana aan meesha ka maqneyn oo laga hadley taageerida Iyo markastaba xal-uraadinta agoonta iyo masaakiinta ku tabaaleysan gudaha Ogadenia.

Waxaa kaloo ka mid ahaa ajendaha sjirka in lagu kala warqaato oo la’isaga xogwaramaa wararka gudaha iyo dibadaba ee quseeya halganka, si hadiyo jeer loola socdo xeeladaha uu gumeeysiga iyo u adeegayaashiisaba kula dhaqmayaan shacabka reer Ogadenia dal Iyo dibadba.

Wuxuu shirkan ay JOVIC maanta ogu qabsoomay xarunta Victoria ee Melbourne ku dhamaatay si farxadleh oo guul ah.

Melbourne/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay