Labadii maqaal ee hore waxaan kaga faaloonay ujeedadii Itobiya ay ka lahayd barnaamijyadii ay caalamka u sheegtay inay kula saxiixatay heshiis ururkii Itixaadka (UWSLF), bil ka dibna garb ay ku sheegay inuu ka soo faliidhmay ONLF hasa ahaatee ay ku sheegtay inuu matalo 80% cududii ONLF. Waxaan soo sheegnay anagoo ka soo xiganayna sida ay Itobiya uga warbixisay in ujeedada Itobiya ay ka lahayd uu ahaa laba. 1- In shirkadaha shidaalka laga dhaadhciyo inuu dhulka amaan yahay oo kooxihii dagaalamayay ay hubka dhigeen. 2- In hadaf ka weyn lagu gaadho dacaayadda iyo brobagaanada loo sameeyay.

Hadaba su’aalaha ay tahay in la’is weydiiyo oo aan wax ka ifino waxaa ka mid ah; siduu caalamka uga gadmay riwaayadaa? Iyo shacabka Somaliyeed ee Ogadenya muxuu kala soo dhex baxay?

Shaki kuma jiro inay Itobiya galisay barnaamjikaa waqti badan oy u hortay kharash badan waxayna ka soo dagtay geedkii dheeraa ee Wayaanha dalka qabsaday uu saaray Itobiya ee ahaa inay xabad ku ogolaysiiyaan qofkii ama qawmiyadii u foorarsan weyda amarada EPRDF/TPLF.

Inkastoo ciidanka Itobiya uu soo taabtay in aanay S.Ogadenya ku fulin karin waxay ku fuliyeen qawmiyadaha kale, hoostana ka qirayeen inay ku guuldareysteen dagaalkii ay la galeen CWXO, hadana waxay ka saxiixeen inay ka dalbadeen cafis oy joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Itobiya Ibrahim dheere oo matalaya Itixaad/UWSLF iyo Mufsiduddin oy dheheen wuxuu matalayaa 80% ONLF. Sidaan soo sheegnayna waxay u dajiyeen sidii lagula taliyay xayaysiis iyo dacaayad balaadhan oo jahawareerisay qofkii aan xogogaal ahayn ama dagdag uu ku jiray oo arkay inay maslaxadiisa ku jirto in gumaysiga wax lala cuno. Hadaba gumaysiga muxuu ka faa’iiday mashruucaa iyo dadkii u soo xarooday?

Hadii si dhab ahaan ah loo taxliiliyo; gumaysiga dawlad ahaan wax faa’iida lagu tilmaami karo ugama soo noqon kharashkii kaga baxay mashruucaa. Hasa ahaatee, bilihii hore waxaa u muuqday ififaalo u muujiyay inay ka heleen faa’iido ka dib markii ay soo aadeen dad kolba isa soo urursaday oosheegtay inay yihiin qurbajoogtii waddankaa oo timid. Qaar kale oo leh waxaan nahay JWXO timid. Qaar kale oo magacyadoodii – waa ninkii hebel ahaa – ku yimid. Dhamaan dadkaa soo aaday waxay u yimaadeen maslaxad gaar ah iyo inay ka qaybqaataan xoolaha Itobiya ay ugu talagashay mashruucan ee la boobayo. Sida ay ila xog-ogaal ah sheegeen, doodihii ka socday baarlamaanka Itobiya waxaa lagu qabsaday dawladda sababta uu gobolka Ogadenya uga socdo dagaalada iyadoo lagu bixiyay mashruucan $150-200 malyan oo Dollar. Waxaana la aaminsan yahay inay lacagta ku baxday intaa 2ba jibaar ka badan tahay, marka lagu daro lacagta maamulka Jigjiga uu ka bixiyay qasnada canshuuraha ee lagu sheegay in mashruuca qurbajoogta loo adeegsaday.

Fashilka ku dhacay mashruucaa dhibaatadiisa ugu badan waxay soo gaadhay shacabka. Marka laga yimaado lacagaha iyo xoolaha nool ee sida qasabka looga qaadayay si loogu sooro qurbajoogta u timid, ama laga yimaado boosaska sida qasabka looga qaatay si loo siiyo qurbajoogta la yidhi dhul aad dhisataan ayaa la’idin siini ee kaalaya, ama laga yimaado beenta laga sheegsiinayay markay xogta siinayaan qurbajoogta, dhibaatada ugu xanuunka badan waxay tahay cadhada ay kula dheceen Cabdi iley iyo jeneraalada qorshahan wax ka dajiyay dadkii shacabka ah een waxba galabsan, markay u suurtagali weyday inay riwaayadii nabadda dhaafiyaan Jigjiga. Cabdi Iley oo kaligii leh waxaan dhex lugaynayaa tuula hebla way noqon weyday dacaayad ka gadmi karta caalamka. Xataa baarlamaanka iyo R/wasaaraha Itobiya kama gadmin riwaayadaa.

Halkaa wuxuu caalamka ku ogaaday inayna Itobiya diyaar u ahayn nabadgalyo ku timaada siduu caalamka u yaqaano. Inay Itobiya doonayso inay ONLF la dhigto riwaayadaa ka dibna qaataan gunada ay diyaarka ula tahay sida ka soo baxay afkooda markay is-qabsadeen. Akhri arimaha ay ka sheegeen Mufsidudiin inuu lunsaday;

Maxamad Faarax Colow (Dhagjar) oo ahaa ninka kaliya ee Saalaxadiin Macow la ogaa musuqmaasuqii uu kusifoobay islamarkaana wax kaqaatay ayaa ugu danbayntii kadib markii uu meel uu cag joojiyo waayay waxa uu dhagjar go’aansaday inuu gabi ahaanba sirtii iyo documentigii uu hayay kusoo wareejiyo gudigii cusbaa ee uu ururku doortay haddaba marka aan eegno musuq maasuqii uu macow kusifoobay iyadoo aana halkan lagusoo wada koobi karin ayaa waxaa kamida:-

1.    Hanti aad u wayn oo loogu tallo galay dib u dajinta dad farabadan oo ururka kamida
2.    Guryo iyo Dhul aad u badan oo Magaalada Addis ababa iyo Jigjiga lagasiiyay ururka
3.    Dhul beereed iyo dhul ganacsi oo ay dawladu siisay ururka
4.    70 baabuur oo canshuur dhaaf ah looguna tallo galay masuuliyiinta 
5.    Fasaxa shirkado ganacsi sida kuwa sibidhka iyo soodajinta iyo dhoofinta iyo kuwo lamida
6.    Fasaxa NGO’s
7.    Fasaxa shirkada Dahabka ka qoda itoobiya oo ah mid aad u wayn
8.    Lacago Badan oo Hawlfulin ah oo bil walba joogyto ahaa
9.    Tigidho Bilaasha iyo fiisooyin yurub iyo maraykanka ah
10.    Lacago aad u badan oo ay dawladu ugu tallo gashay in uu ururku kusoo raro dadka Kenya degan ee deegaanka
11.    Lacago aad u badan oo loogutalo galay in uu ururku dibadaha kaga soo qabto shirar kala duwan.
12.     Lacagahaas iyo hantidaas uu dhacay ayaa waxa uu qayb kamida laba guri kaga iibsaday wadanka Germany. (Xogogaal)

Nasiibdarro waxaa ku noqotay Itobiya in aanay ONLF noqonin siday moodaysay ama uga baratay qaar badan oo Somali ah. itobiya oo caalamka ka dhaadhicisay inay diyaar u tahay wadahadal ayaa ku hor fashilantay caalamka iyo dawladii Kenya ee martida loo ahaa markay is-horfadhiisteen wafdigii ONLF ee wadahadalka.

Waxaa la ogaan doonaa inay Itobiya ku nooshahay Qarniga 21aad iyo inay weli ku fikirayso caqliyadii Qarnigii 19aad ee imberyaaliyadda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay