Shirwaynahan oo ay kasoo qayb galeen ergooyin ka kala socoday inka badan sagaal farac oo ka mid ah Faracyada jaaliyadda Bariga Afrika ayaa lagu doortay xidhiidhiyaha guud ee Faracyada Bariga Afrika ee ururka OYSU.

Mudadii uu socday shirwaynuhu ayaa ergooyinkii kasoo qayb galay waxa ay si hufan uga doodeen arimo farabadan oo khuseeya guud ahaan halganka Ogaadeeniya kasocda ee ay JWXO hurmuudka ka tahay. Ergooyinku waxa ay si qodo deer oo waafi ah uga doodeen arimaha ururka OYSU iyo kaalinta kaga aadan halganka lagu xoraynayo Ogaadeeniya ka dhalinyaro ahaan.

Dood dheer, kulamo gooni gooni ah iyo wadatashi hufan kadib waxay ergeeyinkii isugu yimid shiraynaha si aqlabiyad ah ugu doorteen inuu noqdo Xidhiidhiyaha guud ee Urur-waynaha OYSU ee Bariga Afrika Mudane Bashiir Cabdulaahi.

Go’aamadii  kasoo baxay shirweynaha OYSU ee Bariga Afrika waxaa kamid ahaa;

– In kor looqaado cududda aqooneed  ee dhalinyarada Bariga Africa

– In la taageero lana garab istaago tayaynta  geedi socodka halganka.

– In urur waynaha OYSU ee Bariga Afrika  u istaago wax ka qabashada baahida Qaxootiga  Ogaadeeniya ee tiradiisu sii kordhayso xilliyadan danbe. Iyo Qodobo kele oo aad dhaxal gal u ah.

Gabagabdii shirka ayay ergooyinku waxay ay kasoo saareen Baaq, Bogaadin iyo Cambaarayn.

Shirweynahu waxuu baaq u diray;-

1.Bulshada reer Ogaadeeniya inay sii laba jirbaaranaan taageerada iyo garab istaga halganka xaqa ah ee loogu jiro xoreynta Dhulka Ogaadeeniya.

2.Beshada calamka iyo Hay’ada xuquqda adamaha inay fiiro u yeshan tacatiga uu ku hayo gumaytaha Ethiopia shacabka Soomaalida ogaadeeniya.

3.Dhalinyarada reer Ogaadeeniya inay kor u qadan wacyigooda iyo aqoontooda culumta Diiniga,Culumta Maadiga,Tariikhda halgankoda  iyo inay mideeyaan cududooda.

4.Dhayilinyarada walaalaha aan nahay ee Soomaaliyeed inay nagu taageeraan la dagaalan ka cadawga koobaad  ee umadda soomaaliyeed kaasi oo ah gumaysiga Ethiopia.

5.Saxaafada soomaaliyeed inay joojiyaan hagardameynta iyo garabsiinta gumaysiga Ethiopia

6.Jaaliyaadka Soomaalida Ogaadeeniya iyo Ururka dhalinyarada ee OYSU inay yeeshan iskaashi adag oo kor u qada hawlaha halganka

Shirweynahu waxa u bogadinyaa;-

1.kalfadhigii lixad ee ONLF iyo Go’aamadii kasoo baxay

2.Shacabi weynaha Ogaadeeniya ee sida geesinimada leh u garabtaagan halgankiisa ay JWXO hormudka ka tahay

3.Xilkas-nimada iyo cududa Jaliyaadka Ogaadeeniya ee ka hawlgala 5 qaradood ee aduunka

4.CWXO ee kaga adkaaday ciidamadii cadowga goobkasta iyo goorkasta.

Shirweynahu waxa u canbaraynaya:-

1.Xasuuqa ba’an ee gumaytaha Ethiopia u gaysto shacbiga dulman ee Ogaadeeniya.

2.Gumaysi kalkaalka had iyo goor u taagan u mijo xaabinta dadka reer Ogaadeeniya gumaystaha Ethiopia, Hadii u yahah mid u dhashay Ogaadeeniya iyo mid an u dhalanba.

Shirweynaha waxa uu ka digayaa:-

1.Shirqoolada cadowgu maleegayo ee ku wajahan qurbaha ee tabaha kala duwan ah shaadhadhka badan loo xidhay.

Guul iyo Gobanimo

Maxamed Cabdulaahi Yurub
ONA Garissa Kenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay