Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Gauteng iyo nawaaxigiisa in uu jiro shirwaynihii jaaliyaadka Soomaalida Ogaadeeniya ee caalamka inuu ka dhacaya wadanka Koonfur Afrika magaalada magaalada Pretoria.

Shirka waxaa kasoo qayb gali doonaan masuuliyiin iyo aqoonyahano ka socda jaaliyaadka S.Ogaadeniya ee caalamka iyo madax kamid ah Ururka ONLF iyo sidoo kale madax sar sare oo kamid ah dawlada Koonfur Afrika, siyaasiyiin, safiiro, saxaafada, ardayda Jaamacadaha iyo haya’dado caalami ah.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Koonfur Afrika nasiib u yeelatay in ay marti galiso sanadkan
taatiikhda 10/10/2013 ilaa 12/10/2013 .. saaacada 08:30 — 05:00

Ruux walba oo danaynaya in uu kasoo qaybgalo shirkan wuxuu iska diinwaan galinayaa xaafiisyada Jaaliyada ee magaalada Johannesburg iyo Pretoria . Is diiwaangalintu waxay bilaabanaysaa 05/10/2013 ilaa 08/10/2013 .Fadlan la xidhiidh:

Xafiiska  Johannesburg:
1- Muxyadiin Sheekh Tel. 0610497415 2- Daahir Axmad Tel. 0842642841

Xafiiska Pretoria:
1- Mukhtar Cali  Tel. 0844474988 2- Maxamad Sheekh Tel. 0780550063

QAABKA LOOTAGAYO GOOBTA.

Dadka kasoo tagaya Johannesburg wuxuu Bus ku soo istaagayaa 05:00 Am wuxuuna soo baxayaa 06:00 Am.

Dadka ka baxaya Pretoria wuxuu Bus ku soo istaagayaa 07:00 Am wuxuuna baxaya 07:30 Am. si uu uyimaado 08:00 am Goobta shirka. Goobta laga baxayo ayaad ka helaysaa ticket ka lagu galayo hoolka (hall) shirku ka dhacayo (ticketku waa bilaash). Ruuxa wata gaadiid gooni ah wuxuu laxidhiidhayaa masuuliyiinta xaafiisyadaas shaqada kawada

FG: waxaa shirka ka qayb gali kara ruuxa wata ticket ka(tigidh) loogu talagalay shirka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay