Haddalka (Eng Maxbuub) mahan mid wax u dhimi kara waxa ONLF tahay marka xaqiiqda loo yimaado balse waa haddal isaga sumcadiisa iyo sharaftiisa mustaqbal dhaawac u gaysan isla markaasna xasuusnaan doonaan Malaayiin.

Maxbuub wuxuu si aad ah ooga dhex-muuqdaa dadaalada nabadeed ee Soomaaliya isaggoo markaasna raadinaya xalka nabbada inta baddan ku dhawaaqa in Soomaaliya tahay dal u baahan nabbad, balse caqliga uu ku gartay Soomaaliya wuxuu ku garan wayaay waxa kumaankun Soomaali ah oo ku nool daafaha adduunka ay garteen oo ah dhibka ka jira Ogaden iyo sida xal loogu heli karro!

Ugu danbayn, Maxbuub wuxuu garan waayay waxa Madaxda Hay,ada ICG, E.J. Hogendoom (Akhri) oo horrey oogu baaqay oo ah in Qadiyadda Ogaden loo helo xal isla markaasna oogu baaqay Dalalka Afrika Iyo IGAD inay ka qayb qaataan dadaalada Nabadeed ee ONLF Iyo Itoobiya lagu dhex-dhexaadin, haddii aan si kalle u dhigo, Maxbuub Issir ahaan waa Soomaali, Qabiil ahaana waa Ogaadeen, dhibka oogu baddan wuxuu soo gaadha waa dadkiisa, meeshii laga doonayay in xal uu raadinayo wuxuu lugaha u qabtay Cadow!

Haddii aan annu ahaan lahaa Ina Macalin, xaqiiqdii ma hadleen waan iska aamusi lahaa ama sida haboon oo ah in la sameeyo xal u raadin ayaan samayan lahaa, shaki kuma jiro in labadda bishimood ee ku yaalla uu Maxbuub ku abuurtay cadawad, kuwa Dalkiisa Kenya ku nool ee xeryaha Qaxootiga ku jira ee dadkoodi la soo laayayna uu dhiigooda u dafirayaa! Waa damiir xummo aad u liidata waxaan oran lahaa Maxbuubow arrintaas gafka ah waxaad ka samayn aday kuu taallaa!

Haddal iyo dhamaantii, Maxbuub wuxuu afkiisa ku samaystay cadow, wuxuuna la mid yahay boqolaalan kalle oo masiirka Shacabka Ogaden gaf ka galay isla markaasna ku doonayay innay ku gaadhaan mansab shaqo oo ay kaga ag dhawadaan Dowladda Itoobiya.

Akhri maqaalka OT

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay