Xoghaya IGAD ayaa wareysi uu siiyay Geel TV 4tii bishan Oktoobar, oo shabakadda Ogaden Today ay soo qortay kaga hadlay wax aan munaasab ahayn, taasoo ay jabhadda ONLF jawaab kooban ka bixisay una qaybisay saxaafadda.

ONLF ayaa ku tilmaantay hadalada ka soo yeedhay Mr. Maxbuub Macallin ee ah inay tahay arin yar ONLF isagoo yidhi mashaariicda horumarka iyo koboca Itobiya ay gaadhay ayaa ka muhiimsan. Wuxuu intaa sii daba dhigay in laga sii baxayo ururka oo iskii uu u hagaasayo.

Bayaanka saxaafadeed ee ONLF ay ka soo saartay hadaladaa ka soo yeedhay Mr. Maxbuub ayay ku tilmaantay ugu horeyn inay muujhinayso inuusan xog fiican ka haysanin dagaaladii iyo halganadii gobanimadoon ee ka socday gobolka Geeska Afrika oo qadiyadda Ogadenya ay u ahayd udub dhexaadka, taasoo laga filayay ururka uu Xoghayaha ka yahay inay wax ka qabtaan. Laga soo bilaabo 1935, waxaa Ogadenya ka dhacay dagaalo waaweyn oy ka qayb galeen dawladaha Ingriiska, Talyaaniga, Midowga Sofyetka (USSR) iyo xulafadii la socotay, Somaliya iyo Itobiya iyo Ururadii Gobanimadoonka shacabka Ogadenya oo ONLF ay ugu dambaysay. Midda labaad, sheegashada ah in isbadalka iyo horumarka ka jira Itobiya uu ka dhigayo ONLF wax yar, wuxuu dib u soo celiyay un dacaayadii dawladda Itobiya, wuxuuna iska indhatiray boqolaalka warbixinood ee haya’daha caalamiga ah iyo dadka soo arkay ay ka sheegayaan ee tilmaamaya inay Ogadenya noqotay cadaabkii aduunyada oo xukuumadda Itobiya ay ka wado Ogadenya Dambiyo Dagaal (War crimes) iyo ciqaab wadareed aan dadka shacabka loo kala aabayeelin, ka dib markay ciidamada Itobiya ku guuldareysateen dagaaladii ay kula jirtay ONLF. Awooda iyo Mintidnimada ONLF waxaa laga ogaan karaa oo dhab ah inay Itobiya ka mamnuucday Saxaafadda Caalamka inay galaan Ogadenya si loo soo xaqiijiyo  sheegashada Itobiya ee ah in aanay ka wadin dambiyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo xasuuq dalka Ogadenya, ama ay tahay Ogadenya goob nabdoon oo horumar uu ka socdo.

Waxay ONLF ku tilmaantay hadalada ka soo yeedhay Mr. Maxbuub Macallin inay muujinayaan xaaladda IGAD oo awoodi waayay in nabadgalyo ay ku soo dabaalaan Geeska Afrika maadaama Ururka IGAD ay afduubtay Itobiya danaha Itobiyana loogu adeego.Kamaaanan filaynin wax intaa dhaafsan dadka ka shaqeeya xafiisyada IGAD oo ku ilaashanaya halkaa noloshooda.

Wuxuu ka soo baxay bayaankan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

6dii Oktoobar, 2013.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay