Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo farabadan oo ka socda dalka kuwaasoo lagu wiiqay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaaladaa oo meela kala duwan ka dhacay ayaa waxay u dhaceen sidan;

16/9/13 Kuuscowl oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa wali lahelin.

23/9/13 Kaldhash oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/9/13 Sancade oo dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

27/9/13 Gabiyoxoor oo Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lagahaynin.

27/9/13 Dhaqayaboorka oo Nusdariiqa udhaw waxaa ciidamada wayaana loogu gaystay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

28/9/13 Walfac oo dagmada Xamaro katirsan dagaal kudhexmaray ciidanka xaq udirirka ah ee xooga dalka Ogadenia iyo kuwa xaqdarada kujooga ciida ogadenia waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagadhaawacay.

29/9/13 Dulguduud oo Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa laga dhaawacay.

30/9/13 Buundadadaakhato oo Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inkabada 8 askari 10 kalana waa laga dhaawacay.

1/10/13 Bilcilbuur oo Dhagaxbuur katirsan waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
3/10/13 Inabadaw oo Dagmada Shilaabo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

3/10/13 Quruuraxle oo Xamaro katirsan dagaal culus oo kudhaxmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaana ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay