Waxaa wadanka Koonfur Afrika lagu qabanayaa shirwaynihii jaaliyaadka S.Ogaadeeniya ee calamka, shirkaasoo dhici doona maalmaha fooda inagu soo haya oo ka furmi dona magaaladaPretoria.

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/10/13 shir hordhac ah lagu qabtay magaaladaPretoria, shirkan uu ujeedadiisu ahayd sidii ay xubnaha jaliyada ee Koonfur Afrika u qorshayn lahaayeen hanashada shirwaynaha ee ay sanadkan marrti galiyeen.

Shirka oo uu daadihinayay Gudoomiyaha faraca Gauteng mudane Axmed Daair  ayaa lgu furay maxaadaro qiimi badan oo uu soo jeediyay Sheekh Cabdulahi sh Aadan, muxaadarada ka dibna waxaa shirka warbixin dheer kasoo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya ee JOKA mudane Cabdiraxman Siciid oo ka warbixiyay xalaalada guud ee halganka iyo marxalada lamarayo dibada iyo gudahaba. Waxaa sido kale shrika ka hadlay mudane Cabdi sheekh Aadan oo xubnaha usoo jeediyay sidii ay ugu qayb gali lahaayeen shirwaynaha tilmaan dheerna ka bixiyay qaabka iyo ka qayb galkan shirka.

Waxaan meesha ka maqnayn kaalinta suugaanta halkaasoo uu gabay aan caadi ahayn kasoo jeediyay Abwaan Khadar Colaad oo ah abwaan ku caanbaxay abaaulka iyo gabayada. Waxaa isna qudbad kasoo jeediya Axmed saadiq oo ah madaxa amaanka kana warabixiyay xaalada shrikwaynaha iyo qaabka uu u dhicidoono inshaa Alaah. Halgame cabdi wahaab dalaq ayaa baraarujin isugu jirta guubaabo iyo wacyi galin kasoo jeediyay shirka.

Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Xoghayaha cusub ee OYSU, gobolka Gauteng  mudane Maxamed kaafi, oo soo magacabay gudidii lashaqayn lahayd.

Kadib waxaa la guda galay afkaarta iyo talo bixinta xubnaha kasoo qayb galay shirka.

Guud ahaan shirkan hordhaca ah ayaa ahaa shir muhiim ah oo ay xubnaha jaaliyadu kaga arinsadeen sidii Shirweynaha Jaaliyadaha ahmiyadda uu leeyahay looga gaadhi lahaa, guulna wuu kusoo dhamaaday.

ONA.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay