Qaybtii 1aad

“Qabridahare 1991 ayey 100% ka bilic iyo bidhaan fiicnayd

Ninkan oo aan u bixiyey Warside ayaan ku aqaanay nin qunyar socod ah aadna u afgaaban. Wuxuu ahaa shaqsi halgankana aan taageero weyn u gaysanin hagardaamooyinkana ka illaaliya. Dhanka kale xiliggii isugu kaayo daambaysay ma ahayn kuwa kililka u dhuun daloola had iyo goorna amaantooda ku xabeebta. wallow aanan sheegi karin wixii calooshiisa ku jirey markuu Ogadeniya u sii ambabaxayey, hadana wuxuu iga shaafiyey inaan tagitaankiisu ahayn arin siyaasadeed balse uu Ogadeniya u tagay arin shaqsiyeed iyo mid qoys. Intii aanan su’aalihii aan sida gaarka ah u xiisaynayey waydiininba Warside wuxuu hadalkiisii u bilaabay sidan: “waxan katagayStateku yaala dalka Mareykanka, saacado ka dibna waxan ka degnayAddis Ababahalkaas oo aan uga sii gudbay Diridhawa. Waxan diyaarad ka raacay Diridhawa anigoo toos u aaday Qabridahare oo ahayd meeshii safarkaygu ku ekaa. Tagiddii Qabridahare run ahaantii waxay isla daqiiqaddii ugu horeysayba igu riday filanwaa iyo qalbi jab. Magaaladdii hadaan sii galayna waxaan la kulmay fajac, amakaak iyo afkala qaad. waxan la kulmay Qabridaharkii aan aqaanay Qabridahare aan ahayn oo dad ahaan iyo deegaan ahaanba aad u liidata. Qabridahare waxan ugu tagay shacab la bahdilay iyo magaalo baab’aday. waxan u tagay shacab yar iyo weyn macaluul baahsan, nafaqo daro iyo darxumo ka muuqato. Odayaal wada gaboobay oo gowtiyadu soo baxeen oo aadan awoodi karin inaad mid qudha garato, haween wada basaasan oo midab badelmay iyo caruur hagaastay waxaan ahayn  indhahaygu ma qaban”. Warside markuu halgaas marayo ayaan sheekaddii intaan ka dhexgaley xusuusiyey in Qabridahare tahay magaalooyinka lacagta ugu badan dibada looga diro. waxaanan weydiiyey meesha lacagahii 20ka sanno  inta  ka badan la dirayey ay martey. Warside ayaa wuxuu jawaab kooban ku yidhi, “Lacagahaasi meesha ay mareen ma sheegi karo laakiin waxan kuu sheegi ‘In Qabridahare 1991 ay ka bilic iyo bidhaanba fiicnayd dadkuna uu ka nolal iyo aragti fiicnaa’ Warside waxaa Qabridahare uga soo baxay sawir aanu meeshaba soo dhigan. Wuxuu isweydiiyey horumarkii la sheegi jirey meesha uu aaday.

Warside wuxuu siduu ii sheegay aad ula yaabay sida nimanka Liyuu Policeka dadka qaarna u yaqaanan ‘Hawaarinta’ ay shacabku uga baqaan. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxan imid hotel ilaa rag qiyaastii ah 300 ama ka badanba ay fadhiyaan oo ay hortaagan yihiin 50 hawaarin ah. aniga oo hotelkii sii galaya ayaa mid hawaarinta ka mid ah i daba maray balse markuu in yar i dhaafay ayuu ii yeedhay ‘warya istaag’. markii aan staagay ayuu yidhi “Waryaa may garanaysaa?” ka dibna waxaan ugu jawaabay maya. “Miyaadan hebel ahayn?” ayuu yidhi. “Waan ahay ayaan ugu jawaabay. intuu kuwii kale u yeedhay ayuu yidhi “War kaalaya ninkaan raadinaynay waan helaye” “isla markiiba waxa laygu yidhi qaad nooqaad” Warside wuxuu ii cadeeyey inuu nimankii qaad u qaaday lana fadhiistay laakiin iima sheegin inuu cabsi ugu qaaday oo isaga qudhiisa la baaday iyo in kale. Warside wuxuu ii sheegay inay hotelkii soo galeen oon shimbiri dhaqaaqaynin. shaaha badhka ah ee laga cararay, qaadka cabsiddii la haleeli waayey ee gogosha lagag tagay, kabta foorarta, cumaamada filiqsan iyo gogosha raafka lagula tagay ayaa runtii ahayd arin kale oo iga yaabisay. Xogsi badan ka dibna waxaa la ii sheegay inay cabsi ay hawaarinta ka qabaan darteed goobta uga carareen.Warside oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi, “Waxaa ii suurto gashay inaan habeenkii nimankii hotelkii la fadhiisto sheekooyin badanina na dhexmaraan sida doodo gaar ah, su’aalo xaasxaasi ah iyo talo biximo. Su’aalihii ay aniga i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa bal in aan u sheego fikirka dadka dibadda joogaayi Liyuu Policeka ka qabaan ama waxa ay ka aaminsan yihiin. Ka dib waxan jawaab kooban ku idhi, “Dadka dibaddaha joogaayi ha yaraato ama ha badnaatee wax sumcad ah idiinma hayaan, waxayna idinka aaminsan yihiin inaad tihiin xoolo aan ilko sare lahayn”

Dhankayga waxan waydiiyey sababta ku kaliftey inay xasuuqa dadkood ka qayb qaataan hase ahaatee iyagoo dodooda qumisanaya, isdifaacayana ayey ii sheegeen inay nabad diidka oo kaliya waxyeelaan, shacabkase la xanaaneeyo. Waxanu habeenkii oo dhan dood iyo dood celin ku jiraba, waxanu meeshii ku kala tagney anagoo midkasta oo naga mid ahi kitaabkiisii  qumane ahaa qoorta u sudhan yahay, balse waxan hadaladooddii kala soo dhex baxay inay aaminsan yihiin in dhamaan shacabka reer Qabridahare nabad diid yihiin oo habeenkiina ay shufto yihiin maalintiina Itoobiyaan. Marka si aan bal u xaqiijiyo waxa arintan ka jira ayaan baadhitaan bilaabey bulshaddiina dhexgalay. Ugu horeyntiiba waxan ka bilaabay xog raadintaydii haweenka iyo dhalinyarada.Maalmo kooban gudahood waxaa ii cadaatey in sheekaddii Liyuu Policeka ee ahayd in Qabridahare  ONLF meermeersan tahay wax ka jiraan. Halkaas baadhitaankeygii kuma dhaafine waxan u gudbay odayaashii magaalada intii aan la kulmi karey. suaalo badan iyo sheeko dheer ka dib waxay odayaashii war iigu soo koobeen in 95% shacabka Qabridahare uu wada ONLF yahay. “Ninkii been iyo barabagaadhe sheeki isaga ayey jirtaa laakiin waxaanu kuu sheegi in Qabridahare wada ONLF tahay taasina waa sababta dhibka joogtada ah loogu hayo, kuwan hawaarinta ahna intooda badan waa jabhad marka qoraxdu dhacdo” sidaas waxa warkoodii ku soo koobay odayaashii.

Horumarka jigjigga waa hal jid oo kaniisada gala

Mudanaha kale oo aan ugu magac darey Xoglaawe waa mudane ka soo jeeda SSC ama degaanada laas caanood iyo buuhoodle. Ujeedada magacani ma aha mid aan ku liidayo laakiin waa mid aan ku tusaayo sida aanu wax xog ah uga haynin Ogadeniya. Xoglaawe wuxuu ahaa nin si fiican u daawada TVga loo yaqaano qudhun wada oo ah TV loo sameeyey in been iyo buunbuunin lagu faafiyo. Xoglaawe wuxuu aad ula dhacay waxyaalihi ina iley iyo gacanyarayaasha uu horjoogaha u yahay halkaas bulshada ka tusi jireen. Xoglaawe jacaylkii uu jigjigga u qaaday wuxu gaadhsiisay heer uu reerkiisii oo mudo dheer Hargaysa u deganaa uu intuu halkaas ka raro uu jigjigga u wareejiyo.

Xoglaawe wuxuu had iyo jeer goobaha sheekooyinka ee fadhi ku dirirku isugu yimaado ka jeedin jirey hadlo amaan ah oo uu , maamulka ina iley ku taageerayo. Wuxuu had iyo goor daawan jirey qudhun wada  oo can ku ah soo bandhigida biyo burqanaya iyo beero qurux badan oon ka jirin dhulka Ogadeniya. TVgan gacan ku samayska ah oo ah TVga ugu horumar iyo barwaaqo sheega badan ayaa wuxuu maanka ka xaday dad soomaaliyeed oo badan oon ka warqabin ama aqoon u lahayn waxa maalinkasta ka dhacaaya degaanka Ogadeniya. Marka loo eego akhbaaraha ka baxa qudhun wada dhulka ogadeniya waa dhulka ugu cadaalada badan, dhulka ugu horumarka badan, dhulka ugu nabad galyada badan, uguna maamulka fiican. Wax kale iska daaye weli lama sheegin qof la  xidhay, qof la diley iyo qof la dhacay toona (amazing). Taasina  waa mida Xoglaawe qalbigiisa soo jiidatay kuna kaliftay inuu duhur cad u baqoolo.

Muddo wax yar laga joogo ayuu Xoglaawe safar uu in badan ka sadaalinaayey ugu kicitimay Jigjigga. Ugu horeyntiiba wuxuu ka cid galay TogWajaale. Xoglaawe oo  amin habeen ah Togwajaale hotel ka daydayanaya ayaa waxaa  ku soo baxay ciidanka Liyuu police oo dadka qaar u yaqaanaan hawaarin ama dhidid dhowr, ka dibna waxay waydiiyeen wuxuu yahay, meeshuu ka yimid iyo meeshuu u socdo. Xoglaawe oo ay kalsooni badani ka muuqato ayaa baasaboor fiiso Sacuudi ahi ku dhagan tahay  oo Soomaali ah jeebka kala soo booday si uu u tuso inuu wadanka sharci ku soo galay. Alla ha tusin lahaydaa. Marqudha unbaa Xoglaawe jawaasiistii ku soo boodeen oo intay baasabookii  ka dhuteen isku jabiyeen oo mid jeebka caganta ka galiya, mid handada iyomid  suaalo waydiiya isu qaybiyeen. Markii fiisaddii Sacuudiga la arkay ayeyba xanaaq markaliya iswada mareen. Hawaarintii waxay jeebkiisa ka ka heleen ; lacag dhan 1300 oo dollar, card caafimaad wadatana  magaca ‘Al-itihad’.  Card kii markii jeebkiisa laga soo saarey bay isweda fiiriyeen oo yidhaahdeen oo ma card itixaad baad wadataaba. Isla markiiba dambi baa loo alifay waxaana lagu eedeeyey afar dambi oo sidda ay sheegeen calculus khatarna nabada ku ah. Dambiyan oo kala ah:

– Inuu saacad dambe socday

– Inuu fiiso sacuudi ah watay

– Inuu card Al-Itihad wadat ama Al-shabaab ah

– Iyo inuu lacag qalaad watey taas oo uu nabad diidka u waday.

Xaaladdii Xoglaawe cirka ayey isu shareertay. Yaab iyo fajac baa ku dhacay ninkii u hilowsanaa maamulka Jigjigga. Judhiiba xabsiga ayaa loo taxaabay waxana sida xoolihii lagu xareeyey qol yar oo jiingad ah oo kulul. Xoglaawe sida la ii sheegay sonkortii baa ku kacday, halka hawaarintii ay lacagtii uu watay ay ku marqaamayeen. Afarbarimarkuu xoglaawe jiingaddii ku cabudhsanaa ayaa Jigjigga loo dhaadhiciyey si maxakabad loo soo taago. Arinta qosolka leh ayaa waxay ahayd in Xoglaawe aan dambiggii lacagta loo gudbinin Jigjigga.

Wuxu yidhi Xoglaawe, “Markaan muddo jeel Jigigga ku yaala ku jirey ayey ogadayaal reerkayaga ah iyo garaadyo maqleen inaan  xidhnahay ka dibna way isoo booqdeen. Waxaa iila yaab badnaa in markii garaadaddii , ugaadsyaddii iyo odayaashii ii yimaadeen in gabadh yar oo surwaal daba gab ah xidhani u timid odayaashii kuna tidhi war ka taga meesha maxaad ka qabanaysaan ka dibna iyagoon hal hadal ah soo celin meeshii ka dareereen. Waxan la yaabay ixtiraam darada tigreega iyo cabsida shacabka ku jirta. Wax kale kuma garatide 14barimarkaan xidhnaa ayaa damiin la igu soo daayey. Afarbarimarkaan dibada joogayna  ayaa waxaa la igula taliyey inaan habeen madow dhuunto haddii kale inaanan weliggay jeel iyo bahdil ka baxayeynin. Magaalddii aan ku taami jirey inaan maruun tago een reerkaygii u rarey waxan awoodi waayey in shan cisho joogo, dantuna waxay iga maaransiin wayday inaan habeen madow dhuumasho kaga soo baxo, caruurtayddiina ka soo cararo.

”Hadaba horumarkii Jigjigga een TVga ka daawan jirey waxan idiin sheegi inaan waxba ka jirin. Beerihii, biyihii burqanayey, wadooyinka waaweynaa, jidadkii nalalka badnaa ee ifayey iyo nabaddii ina iley dadka ku wareeriyey waxay ahayd been guri lagu dhex alifay. Dhinaca wadooyinka hadaan idiin sheego, “Jigjigga hal jid oo Kaniisada gala ayaa ku yaala”. Freeway dii, wadooyinkii la dhisaayey, kuwii  la dhameeyey dhamaan waxay ahaayeen dhaan dabagaale. Dhanka biyihii iyo beerihii, beero iyo bilic qurxoon mida anigu ma arag biyana iska daa hadalkood oo dadku weli waxay dhaansadaan dameero aad u tabar daran oo qofkii arkaa aad uga nixi. Wax kale oon ku tilmaamo jigjigga ma garanayo oon ka ahayn inay tahay nin tuulo ka yimid caasimaddii. Waxay ku jirtaa qarniggii 16 aad ama ka sii fogba. Jigjigga Tigree baa xukuma, ina ileyna waxbakama aha. Hal qof xabsigakama sii dayn karaan.

La soco Q2aad iyo

Baaq ku socota Liyuu Policeka

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay