Waxaa saaka (Khamiis,10 Oct,2013)si toos ah uga furmay  magaaladaPretoriaee wadanka K/Africa Shirweynihii 19aad ee jaaliaydaha Ogadenya oo sanadkan ay marti galisay jaaliyada Ogadenya ee wadankaSouth africa.

Shirkan oo furmay 09:00 am ee saacada wadanka K/Africa  ayaa waxaa kasoo qayb galay jaaliyadaha Ogadenya ee dacalada aduunka iyo dhammaan faracyada jaaliyada Ogadenya ee wadanka martida loo yahay ee shirka sanadkan lagu qabtay.

Shirweynahan ayaa waxaa  marti sharaf ku ah wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ONLF Adm.Maxamed Cumar Cismaan kana mid yahay gudoomiyaha hogaanka arimaha dibada ee ONLF mudane Cabdiraxmaan Shekh Madi,shirka ayaa waxaa sidoo kale marti sharaf ku ah madax sare oo ka socota wadanka K/Africa.

Hall ka shirkan lagu qabtay  ayay buux dhaafiyeen kasoo qayb galayaasha shirka oo aad u xiisanaya warbixinaha gudoomiyaha iyo ka qayb galka guud ee shirka waxaana qaarkood lagu celiyey banaanka kadib markuu hall kii qaadi waayey sida aad ku arki doontaan sawirada shirka.

Lasoco warbixinaha shirka  oo faahfaahsan goor dhow.

 



ONA/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay