Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah warqado ay is-dhaafsadeen Gacan-ku-dhiigle Cabdiraxmaan Labago’le iyo Faysal Cabdiweli oo ka soo tagay maxaysatada hawaarinta hasa ahaatee sida aad ku arki doontaan warqadahan ay is-dhaafsadeen ka codsaday cafis iyo inuu diyaar u yahay hawlgala kale inuu ka fuliyo dibadda. Labada dhan midkii laga helay dhankiisa sirtan waqtiga ku haboon ayaan idinla socodsiin doona. Muhiimadda aan intan idiinku soo gudbinay (warqadaha la’is dhaafsaday waa dhowr),  waa si shacabkeena halgamaya ula socdaan shirqoolada fashilan ee loo maleegayo.

ONA.

__________________________________________________________________

 asc  sido kale waanu idinka gudoonay mid la mida ayaanu idiinku salamaynaa
ok hadii aad mashquulsantahay  dhib malaha , lakiin waxaan anigu ka faysalclwali ahaan
doonaynaa inaan ku wada shaqyno daacad nimo iyo shaqo run ah  , qorshaynta shaqada idinka ayaa qorshayn doona  aniga ahaan waxaan diyaar la ahay inaan fulino hawlkasta oo aad qorshaysaan meelkasta oo adag ha gaso anig ayaa u gali doona
mahadsanid

 

 

C/Raxmaan Labagole – Waxa aan kugu salaamayaa,Salaanta ciidanka iyo tayda Shakhsiga ah,Mudane Faysal, Salaan ka dib..sirtu yayna bixin Hana is ku qaadan in aad shacab tahay.
Aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinaynaa…talooyinka aad nasiisay,qofka aqligiisa waxa lagu ogaadaa in uu qof kale siiyo fursad siiyo masuuliyiinta sarsare..waxaa aan is la garanay in aad adigu soo bandhigto qaabka aad is leedahay wax way inoogu hagaagayaan iyo kharashka ku bixi kara?

Waxa aad ogaataa in ay xukumadu ugu jirto diyaar garow aad u balaadhan xuska 8aad ee Hidar 29 oo ddsi lagu qaban doono.Sidaas,darteed ayaanan u helin in aan ka jawaabo warqado badan oo la ii soo diray,haseyeeshe, taadu culays inteeda le’eg ayay iigu fadhida oo aan ka hor-marin wax alliyo waxii kale iyada oo aan sabab uga dhigayo xidhiidhka aad la leedahay Ubbo kkkk ..Waxa la is la qiray in aad ahayd “spirit” ruuxdii ciidanka gaarka ah ee Liyu Police,haseyeeshe, xogtan aad nasiisay ee ah in lagu xidhay ka dib markii darajada lagaa xayuubiyay una sigatay in si xaq-daro ah laguu dilo.Taas waxa aan rabnaa in aad iyaga hortooda ka cadayso..annaguna jawaabka ku haboon ayaan ka bixinaynaa.

Mudane Aabo Cabdina wuu qoslay marka uu akhriyay emailka aad kaga dalbanayso cafiska.Isaga iyo xukuumadu DDSI way ku cafinaysaa haddii aad shaqo wanaagsan oo loo bogo la timaado..Xukuumada FDI iyadana in ay ku cafiso way ku qasban tahay.

Ma taqaanaa Ardo Dheer oo Xerada Al-Kharez degen? Waa Islaan aad u fiican dadkeeda iyo dalkeeda ba jecel. Lacagona waan u diranaa dhowr jeer. Marka aan qiimayn ciidanka Liyu Police ku samaynay..8 ka mid ah Taliyayaasha Regimentigada ayaa mutaystay dalacaadyo iyaga oo ahaa Shihalaqayaal,ama G/lle una Dalacay G/dhexe ama letenal Colonelhalka Saraakiil ka mida Ciidanka ay u dalaceen G/lleTiradoodu dhan tahay 12,sidoo kalana saraakiil Xidiglayaal ahaa oo ay tiradoodu dhan tahay 28 ayaa u dalacay 3 x/lle ama captain.

Waxa goobta joogay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Madaxweyne kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Madaxweyne-xegenka ahna wasiirka caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Hawlaha Guud ee DDSI Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Wasiirka Madaxtooyada DDSI Mudane C/casiis Maxamed,Kabinetka Dawlada, iyo aniga oo ah Taliska Guud ee Ciidanka Liyuupolice General C/raxmaan labago’le,Komishineerka Booliska DDSI Mudane Maxamed C/lahi Qayo,General Cabdi Aadan Waris,Saraakiisha Ciidanka,Maareeyayaasha iyo agaasimayaasha Qaabdhismeedyada Dawlada.
Soo la ma odhan karo Ex- Shaanbal eeggana ahCol.  Faysal Axmed Cabdi Wali unbaa ka maqnaa meesha, kkkkkkk? Haddii dawlada lagu xaman jiray reer qudha eega ba ha laga dhax helo nin Gari ah oo wali ba Reer Abayoonis ah,Insha;Allah.

Taliyayaasha Rijmantiyada Ciidanka Liyuupolice ee Hore u ahaa Shaalaqe Ama G/lle ee Dalacaada let,colonel ama G/lle Dhexe helay ayaa ay ka mid yihiin 1-G/lle Dhexe Sakariye Cabdi-khaliif 2-G/lle Dhexe bashiir Guhaad 3-G/lle Dhexe C/xakiin 4-G/lle Dhexe Deeq 5-G/lle Dhexe Jarmani 6-G/lle Dhexe Sheekh Mukhtaar 7-G/lle Dhexe Iid iyo 8-G/lle Dhexe Nus-dariiq.

Salaan Sare ayaan kaaga soo diraynaa Xafiiska Madaxtooyada DDSI

Tixgelin.
Gen.C/Raxmaan Labagole

 

 mudane sidoo kale ayaan kuusalaamayaa si kal iyo laab ah gaashe sirteenu bixi mayso  i aamin . inkasta oo aad xalyto markii aad telka igula hadlaysay aad i aamini wayday oo aad moodaysay in ay ay ubbo ila oogto haka yabin  in ay waxa inaga ogaadaan siyaasadeena ka ciidan ahaan

sidookale ayaan adiga iyo madaxa weyne CMC   idiinku mahad celinaynaa

hadii aanka hadlo qorshaha ay waxa inoogu hagaa yaan qorshaha waxaan u kala qaadaynaa laba qaybood oo kal ah xogta soo ururinteeda iyo qaabkaloo samayn karo missionka ,  xogta soo ururinteeda  way fududahay  maadama aan ku dhejiro ubbokkkkkkkkkkkkkk,  balse missionka  yaman waxaa jooga  sirdoon fara badan oo ajinabi ah oo maryakan iyo ingirriisba leh soona helikara  shilalka misionka ah oo caawiya  ciidamada yaman balse waan fulinkarnaa missionka waayo yamani waa all yoom waxaa la adegsankaraa adoomayda rer yaman ah hadiilacag la heli karo iyo laftooda ciidanka yaman waxaan kale oo samaynkarnaa bastoolada waxay joogtaa 300 oo doler gaariguna waa halmilyon oo  riyaal missiondilah waan fulinkaraa aniga iyo dhalinta gangiska  calooshood u shaqystayaal ah hadiiaanuhelno gaari lagu fakado. waxy u baahan tahay hawshani fikr dher maadama hwlahani ay ka fulayaan magaalooyin gudohood oo hadana qurbe ah  sidaas daraadeed ayaanan u qiyaasi karin kharshka ku bixi kara  iyomudada ay qaadan karto qorshaynteedu in mission aan fuliyo lakiin soo ururinta xogta waad qiyaasi kartaa qarshka ku bixi kara waayo  waxaan doonaynaa inaan isku xidh kasameeyno sanca ilaa xeebaha yaman oo laga soo raro hubka soo gal dalka iyo hubka al shabaab oo u soo gudbiyo nin isaaq ah oo habar jeclo ah oo la dhoho( indho baraar ) oo haysta basboor eretriya ah, xogta kale oo ah sidaan u ogaan lahayn magacyada lagu soo diro lacagta ubbo ee soo gaadha jigjiga ,  iyo goobta lagu soo diro waxaa kale oo jirta wiil doon wada oo aan  saaxiibnahay oo (baabulmadab )degan oo inoo soo sheegi kara xiliga hubka laga soo gado yaman ee la soo gubinaayo hada ka horna waxaan siiyey 50 doolar si aan waxa uga ogaado arimahaas waxaan wax uga soo sheegnay mukhtar xaaji oo sheegtay inuu yahay sidoonka kililka kolay mudane adiga ayaa garananaya sida aan cafiskaas uga heli lahaa dowlada lakiin CMC USHEEG plz iga raali noqo ku dheh aabo .. haa waan aqanaa  Ardo deer cabdulaahi caroofi ima taqaanidee waxaan ahay ina abitigaa  waxy ii tahay eedo waxay wllo yihiin aabahay ardo iyadaa isoo korsatay aniga. taliye aad ayad iiga qoslisay  waad mahadsantahy aad iyo aad ayaan ugufarax sanahay hadaladaada  kaftanka ah iyo tilmaanta ah  waa wax aad u fiican hadiiba ciidankii loo yeelay qaabdhismeed ciidanimo iyo shuruuc doo la fuliyey madaama aan ahaan jirnay garab rarato socota uun oo xabad ku jiri jirtay  ubbo na dhegaha ka jafta  waa wax farxad leh hadii intan oo masuuliyiin ahi ay goob jooge yaal ahaayeen  qiimaynta  masuuliyiintan lagu dalacsiiyey

mahadsanid

F.abdiwali Greeg

 
 

2 Comments

  1. Abdi Ahmed says:

    Sirtan dhagarta badan ee fashilantay aad ayaan oogu faraxsanahy
    hogaamiyayaasheenna iyo sirdoonkeenna habeen iyo maalinba shaqaynaya ee difaacaya shacbakyga fashikinyana siraha dhagarta badan ee dabaqoodhiga aad ayaan oogu Mahad celinayaaaa

  2. Abdiwali says:

    s.c.w
    salaan kaddib, horta waan ku faraxsanahay in la fashiliyey waxyaabo loo soo dhiibay gacanyarayaasha gumeysiga ee aan danahooda aqoonin teeda labaad waxaan idin waydiiyey wa,ayo Ardo dheerta aad meesha ku soo qorteen mid la yaqaannaa?? Naagahaa ugu daran marka wax la shirqoolayo ee ha la iska eego insha allaah . wabilaahi towfiiq bye

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay