Waa Qaybtii 2aad ee Taxanahan:

Baaq ku socda Liyuu Policeka (Hawaarin)

Waxan halkan si nasteexo leh uga baaqayaa nimankan Liyuu police ka loo yaqaano. waxan leeyahay indhaha kala qaada, dhagahana fura si fiicana u darsa qorshahan aad  ku jirtaan iyo waxa aad qabanaysaan. Qofka aadamigga ahi wuu gafaa, hase yeeshee ceeb ma aha in qofku gafkii uu galay ka toobad keeno. illaah wuxuu ugu jecel yahay qofka dambiga uu galo ka soo noqda cafisna waydiista. Waxan si dhab ah u aaminsanahay in qaar badan oo idinka mid ahi ay dad fiican yihiin falal dambiyeed badana aanay gaysanin laakiin intiina badani aad si waxashnimo leh uga qayb qaadataan dilka, dhaca, kufsiga iyo xidhayga shacabka Somalida Ogadeniya. Haddii intiina wanaagsani aanay inta xun bulshada ka celin karin, ama meesha ka haajiri karin, muxuu wanaagiinu tarayaa?

Sababkasta ha idinku kaliftee kuwiina weli qalbiga naxariistu kaga jirto ee aan dhiiga dadka ku subkanin, meelihii xumaantu ka dhacayeena jooga, waxan idinku waaninayaa inaad si deg deg ah goobta aad taagan tihiin uga dhaqaaqdaan, jigjigga iskaga tagtaan, illaahayna u toobad keentaan, shacabkana raali galisaan. diinteena suubani waxay ina faraysaa in haddii aad xumaan aragto marka hore aad isku daydo inaad gacanta ku suuliso ama ku goyso. Haddii ay kuu suurto gali wayso inaad caragka ku goyso, haddii aad carabka ku goyn waydo inaad uurka ka nacdo, haddii aad nacitaanka wax ku qaban kari weydo inaad meeshaba iskaga haajirto.

Hadaba kuwiina maskaxda laga xaday ama garasho la’aantu u gays  inay shacabka hagardaameeyaan waxan leeyahay labo talaabo dib u qaada fiiriyana wax aad ku dhex jirtaan iyo gafafka aad  gaysanaysaan.

Kuwiina sida ula kaca ah dadkooda u gumaadaya, waxan iyana odhan lahaa weli toobadu way idiin furan tahay. Ka waantooba ficilada bani aadanimada ka baxsan eed hadh iyo habeen bulshada ku haysaan. Ka waantooba inaad xasuuqa dadkiina gumaysiga ku raali galisaan. Naftiina ha u horseedina ceeb adduun, cuqubo joogta ah iyo cabaad aakhiro. Ka daaya xoolaha xaaraanta ah eed ubakiina siinaysaan. Irsiq xalaal ah caruurtiina ku barbaariya. Run ahaantii tubtan aad maanta haysaan kuwo idinka idinka horeeyey baa ku halaagsamey meel xuna ku dambeeyey.  Ogaada inaan gumeysi raac adduunka sharaf ku lahayn goob xuna ku dhinto marka inta aan saacadu idinka dhicin iskaga soo baxa nolosha aad ku rintaa. Amaan aan uurka jirini yaanay idin dagin.

Ugu dambeyn waxan odhan lahaa ha noqonina kuwuu Malcom x raximullah uu ugu yeedhay, “The house negro”, adoonkii guriga. Isaga oo tilmaamaya astaamaha kuwa gumeysiga u dhagaha nugul ayuu yidhi,

“There was two kind of slaves. There was the house Negro and the field negro. The house negro, they lived in the house, with master. They dressed pretty good. They ate good, cause they ate his food, what he left.  They lived in the attic or the basement, but still they lived near their  master, and they loved their master, more than their master loved himself. They would give their life to save their masters house quicker than their master would. The house negro, if the master said “we got a good house here” the house negro say “yeah, we got a good house here”. 
Whenever the master would said we, he’d say we. That’s how you can tell a house negro. If the master’s house caught on fire, the house negro would fight harder to put the blaze out than the master would. If the master got sick, the house negro would say “What’s the matter, boss, we sick?” We sick! He identified himself with his master, more than the master identified with himself. And if you came to the house negro and said “Let’s run away, Let’s escape, Let’s separate” the house negro would look at you and say “Man, you crazy. What you mean separate? Where is there a better house than this? Where can I wear better clothes than this? Where can I eat better food than this?”

Malcolm x wuxu yidhi “ laba adoon ama la gumeyste ayaa jirta, adoonka guriga iyo adoonka beerta. Adoonka gurigu ama raranaha gurigu wuxuu ku nool yahay guriga master kiisa. Waxay xidhaan labis fiican, waxayna cunaan raashin fiican oo ah mida madaxddiisu soo hambayso. Waxay ku nool yihiin qaybta ugu hoosaysa guriga, waxayna master kooda u jecel yihiin si aan masterkoodu naftiisa u jeclayn. Waxay naftooda u huraan gumeystahooda. Haddi masterku yidhaahdo waxan haysanaa guri fiican, adoonkuna wuxuu odhan waxan haysanaa guri fiican. Haddii guriga masterka daab qabsado adoonka gurigu wuxuu u damiyaa si aan masterku gurigiisa u daminayn. Haddii masterku jirado adoonku wuxuu odhan waan jiranahay, masterku wuu jiran yahay odhan maayo. Haddii aad adoonka guriga u timaado ood tidhaahdo ina keen aan baxsanee wuxuu odhan war ma doqon baad tahay maxay tahay aan baxsano ma guri gurigan ka fiican baa jira, xageen dhar dharkan ka fiican ka heli haddii aan baxsado, xageense cunto mida ka fiican ka heli.

Laakiin haddii aad adoonka beerta ku tidhaahdo “Ina keen aan baxsanee wuxuu ku odhan war ina keen meeshan meel aan dhamin ma jirtee. Haddi masterkoodu bukoodo illaahay buu inuu dhito uga baryaa. Haddii gurigiisa dab qabsado adoonka beertu wuxuu illaahay ka baryaa in dabayli timaado”

Waxa hubaal ah in manta ONLFta iyo Liyuu Policeka labaduba ay xukun gumaysi ku hoos jiraan balse midna rarka diidan yahay midna dhabarka hoorsanayo. Marka Liyuu Policeku miyaanay manta ahayn kuwuu Malcolm x ugu yeedhay “The house Negro”. Waxan odhan karaa ha laakiin waxan markale leeyahay war quudhsiga diida oo golaha ceebeed ka soo daareera.

Ali Ayare

Saudi Arabia

 
 

1 Comment

  1. wadani says:

    waxaan ilaahay kabaryiyaa in uu ilaahay u naxariisto ninkaas cajiibka ahaa waxaa kale oo aan aad ugu mahadceliniyaa cali yare oo soo qoray qoraalkan aadka u qiimaha badan isla markaasna kawaramiya wixii haysan jiray madowga maraykanka iyo kuwa la shaqeeya midab takoorka ee lafa hooda u dulayniyay cadaankii slaveka rabay ee waliba ku waaninayay dadkooda in ay iska yeelaan adoonsiga sida wanaagsana u labisan jiray marka ay lajoogaan kuwa ay u shaqeeyaan ee shaqadana u siiyay sidii dadkooda loo sii adoonsan lahaa marka aan akhriyay qisadan waxay aad ii xu suusisay kuwa maanta fadhiya jigjiga ee aad moodid kuwa uu ka sheekayniyo malcolm x dadka mawada oga qisadan cajiibka ah halawada galiyo websaydyaa oo dhan kuwa jigjiga fadhiyana waxaan leeyahay war inta aad ilaahay kabaqataan u hiiliya dadkiina iyo dalkiina gumaysigana ka guura

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay