Malintii Sabtida ahayd oo ay tarikhdu ku beegnayd  October 12, 20132013 ayaa waxaa magaalada Minneapolis  ee gobolka minneasota ka qabsoomay shirkii
billaha ee ururka midawga dhalinyarada iyo ardayda ogadenia(OYSU MN)faraciisa  gobolka Minneasota oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan unugyada tuulooyinka ku xeeran magaalooyinka mataanaha ah, ee mpls/st.paul, sida Willmar, St.cloud, Faribault iyo Rochester.

Shirkan ayaa sida ururka caadada u ah lagu furay aayado qur’aan ah iyo sidoo kale muxaadaro uu soo jeeday sheikh Mohamedsalax Mahamud.
Waxaana isla markiiba xoghayaha guud ee ururka OYSU MN oo shir gudoon ahaa uu dulmar ku sameeyaya maamulka shirka iyo agendaha guud ee shirka oo ilaa afar qaybood ka koobnaa.

Qaybta 1aad, ayaa ahayd khudbado ay masuuliyiinta jamhada iyo kuwa ururka OYSU MN ka soo jeedinayeen madasha shirka, waxaa cashir dheer oo kusaabsan waajibaadka xubinka iyo fullinta waajibaadka saran xubinka kunuuxnuuxsaday, mudane Ahmed Majeerteen waxaa isna xusid mudan in mudane Xassan Ciise(Sheekeeye) isna si fiican uga hadlay ururnimada iyo wada-shaqaynta xubnaha iyo maamuladu muhiimada ay halganka uleedahay.waxaa intii qaybta khudbadaha lagu jiray iyana madasha lagu soo dhaweeyay xubno naftooda hurayaal ah oo kalimooyin soo jeediyay sida halgame n/hure Cumar cooke, halgame mustafe seerar(masduulaa) iyo halgame Farxaan r/xoriyo.

Qayta 2aadna waxay ahayd daawasho filimaan goos goos ah oo  uu ururka OYSU mn ku muujinayeen shaqo hawleedkii ay soo qabteen iyo projectiyada kale ee heer caalami OYSU ee qabyada ah sidii loo dardargalin-lahaa, qorshe walbana loo fullin lahaa xiliga  ku astaysan fullintooda.

Waxaan Qaybta 3aadna lagu soo bandhigay barnaamij aqoon iswaydaarsi ah oo su’aalo aqoonta guud ee halganka Ogadenia kusaabsan la isku waydiinayay oo uu si habsami leh udaadihinayay hogaanka abaabulka iyo arimaha ururka OYSU MN (HAAB) mudane Khadar Mohamed Colad (Rooble) barnaamijkan
oo dhallintu ku magacawdo (kadiska) ayaa aallaaba lagu soo bandhigaa shirarka OYSU MN aadna way uxiiseeyaan xubnuhu waxuuna sida runta kor uqaaday aqoonta xunaha ay halganka uleeyihiin. Waxaan la siiyaa abaal marin xubnaha ku guulaysta  su’aalahaas shirka dhexdiisa.

Qaybta 4aad ee shirka oo runtii ahay qaybta ugu adkayd shirka  ayaa si ururtinimo ah kafool kafool laagu xisaabtamay lana galay dood caafimaad qabta oo bisayl ururnimo oo qodo-dheer ka muuqanayso. Shirkan oo ahaa shirkii ugu waynaa mudo 3sano ah oo uu ururka OYSU MN ku qabto gobolkan ayaa dhamaan xubnaha ka soo qayb-galay isla qaateen dardargalinta hawlaha ururka iyo dhaqaajinta qorshayaasha sanad laha ah ee ururka oo si wanaagsan hadaba usocda.

Shirkan oo ahaa shir si heer sare ah ururka OYSU MN usoo agaasimeen ayaa jawi aad uwanagsan kusoo dhamaaday waxana ugudanabaytii lagausoo gabagabeeyay gabaygii dardaaran ee Sheikh Mohamed.

ONA, MN

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay