Waxaa shalay ooy taariikhdu kubeegnayd 13/10/2013,  laguqabtay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen shir heer sare ah  ooy sooqaban qaabisay Jaaliyada Somalida Ogadenia ee kudhaqan wadanka Denmark.

Shirkan ooy kasoo qaybgaleen Hawl-Wadeenka & Maamulka Jaaliyada ayaa ujeedadiisu ahayd kala warqaadasho & qiimay ku,aadan hawlaha ay jaaliyadu sooqabatay bilihii & todobaadyadii oogu dambeeyay. Waxaa madasha shirka lagu soo bandhigay warbixino aad uxiiso badan ooy Masuulinta Jaaliyadu kasoo diyariyeen waxqabadkii iyo hawlihii uqabsoomay Jaaliyada. Warbixinadan ay masuuliinta & Hawl-Wadeenka Jaaliyada soo bandhigeen ayaa dhamaantood ahaa kuwo aad uxiiso badan ooy usoo bandhigeen qaab aad utayo wanaagsan isla markaana aad uxiisa galiyay kaqaybgale yaashii shirka oo dhankooda kadhiibtay aragtidooda iyo talooyin kuwajahan waxqabadka iyo horumarinta hawlaha jaaliyada.

Dhanka kale waxaa shirka siqoto dheer leh loogu gorfeeyay ajendeyaasha & hawlaha ladoonayo inay jaaliyadu hirgaliso mustaqbalka soosocda haduu eebuhu yiraahdo.

Jaaliyada S.Ogadenia ee wadanka Denmark ayaa kamid ah Jaaliyadaha Somalida Ogadenia ee aduunka dacaladiisa kahawlgalla kuwooda oogu tayada iyo abaabulka wanaagsan taasoo astaan kudayasho mudan kuleh dhamaan shacabka Somalida Ogadenia ee halganka dheer oogu jira ladagaalanka Gumaysiga Itoobiya iyo xornimada Ogadenia Inshaa Allah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ONA / Denmark

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay